Markabkan oo ay leeyihiin Ciidanka Badda Turkiga ayaa ku soo xirtay Dekedda Magaalada Muqdisho, iyadoona ay soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Cumar Cali Cabdi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo masuuliyiin kale ayaa kor u fuulay markabkan oo ka mid ah maraakiibta dagaalka Turkiga.
“Booqashadan iyo soo dhaweynta markabka dagaalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa, xilli Dowladda Federaalka Somaliya ay mudnaan gaar ah siineyso dhismaha, tayaynta iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha CXD, si loo xoojiyo amniga badda, loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara marinada badda.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.
Warka ayaa lagu sheegay “Booqashada waxaa Wasiiru Dowlaha iyo Taliyaha ku wehliyay, Wasiiru Dowlaha Dekdaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Taliyaha CXD, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Somaliya iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD iyo kuwa Turkiga.”
Somaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishii February ee sanadkii 2024 kala saxiixday heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee labada dal, kaas oo la sheegay in 10 sano uu soconayo.
Heshiiskan oo ah mid uu Turkigu kaga caawinayo Somaliya ilaalinta xeebaheeda ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-dhiska Ciidanka Badda.
