Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii ay ka saareen maleeshiyada Al Shabaab.
Deegaankan ayaa ah mid istiraatiiji ah, waxayna Al Shabaab ay bilaa dagaal kula wareegtay 2-dii bishii June ee sanadkii 2025, markaas oo ay si lama filaan ahayd uga baxeen Xoogaga Midowga Afrika iyo Militariga Somaliya, ka dib sanado badan oo ciidamadu ay deegaankaasi deganaayeen.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa 29-kii bishii December weerar ku galay Xawaadley, inkastoo saacado ka dib ay dib uga soo gurteen.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Xawaadley lagu qabtay Hawlgalka Beder, kaas oo bishan Ramadan loogu talagalay in lagu xoreeyo meelo ka mid ah Gobolada Shabellooyinka, oo sidoo kale loo yaqaano (Labada Shabelle).
Xawaadley oo uu maro Webiga Shabelle ayaa leh buundo isku xirto bariga iyo galbeedka ee Gobolka Shabellaha Dhexe, waana marin muhiim ah oo mararka qaar ay adeegsan jireen Shabaabka ka imanaya dhinaca Gobolka Shabellaha Hoose ee ku soo wajahan bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.
Webiga Shabelle oo dhex mara Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa laba daamood u qaybiya gobolka, Buundada Xawaadley-na waxay ka mid tahay buundooyinka ay dadku isaga kala gudbaan labadiisa qaybood.
Shabaabkii laga riixay Xawaadley oo ku sugan daanta galbeed ee webiga ayaa waxaa suurtagal ah in ay weerar rogaalcelin ah ku soo qaadaan deegaankaasi.
