Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa raadinaya marmarsiyo uu ku qancin karo aqlabiyadda shacabka Mareykanka oo diidan dagaalkan, isaga oo ay ka dhaadhacsan tahay in haddii Iran laga adkaado aanu Xisbigiisa Jamhuuriga lumin doonin doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ee la qabanayo bisha November.
Madaxweynaha ayaa waxaa sii xoogeysanaya cadaadiska uu kala kulmayo shacabkiisa, kuwaas oo si carro leh ugu eedeynaya in uu qaatay go’aan u gaar ah, balse cawaaqib ba’an ku yeelanaya dhaqaalaha dalka iyo in dollarka Mareykanka uu lumiyo qiimihiisa.
Trump ayaa bixiyay amarka ay Ciidamada Mareykanka kaga qayb qaadanayaan hawlgalada Israel looga caawinayo in Iran laga dhigo dal aan is difaaci karin, xilli dhaqaaleyahanadu ay dagaalka ka hor ka diggeen in qiimaha saliidda caalamiga ah uu cirka isku sii shareeri doono, waana waxa lagu arkay suuqa, ka dib markii Iran ay ku dhawaaqday in uu xiran yahay Hormuz. Ma ahayn mid Dowladaha Mareykanka iyo Israel ay filayeen in Iran ay ku guuleysan doonto carqaladeynta marin biyoodka Hormuz, ka dib marka la weeraro.
Falcelinta ka timid Iran ayaa saamaynta degdeg ah ku yeelatay deganaanshaha Bariga Dhexe, sicirka suuqyada caalamiga ah oo wax kasta ay qaali sii noqonayaan iyo in Ciidamada Mareykanka ay ku dhimanayaan dagaal aan kooda ahayn, waana tan keeneysa in shacabka Mareykanka ay mucaaradaan siyaasadda Madaxweyne Donald Trump.
Tallaabada ay Iran ku xanibtay isu socodka maraakiibta ee Hormuz ayaa dhibaato dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ku noqday Madaxweynaha Mareykanka.
Trump ayaa weli ku foogan, sidii si dhakhsa ah ay iskaashi militari uga heli lahaayeen xulafadooda reer galbeedka iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah isbahaysiga NATO, kuwaas oo uu ugu hanjabayo in ay ka tagi doonaan, haddii aysan Mareykanka ka gacan siinin dib u furista marinka ganacsiga ee ku yaala Bariga Dhexe.
Dalal badan oo reer Yurub ah ayaa ka caga jiiday dalabka Madaxweynaha Mareykanka, sababtuna waa inaysan dooneyn inay dagaal kala horyimaadaan Iran, iyagoo og cawaaqibka ay arrintan leedahay militari iyo dhaqaale ahaan iyo weliba sharci ahaan. In badan oo dalalka xulafada ah waxay dagaalkan u arkaan mid sharci darro ah.
Inkasta oo xulafada Mareykanka ee NATO ay diidan yihiin inay ku lug yeeshaan dagaalkan, haddana Trump ayaa sii wada hanjabaadda uu u jeedinayo xulafada u badan reer Yurub ee ka tirsan NATO, isaga oo culeys ku saaraya in ay ka qayb qaataan, sidii loo furi lahaa Hormuz, haddii kalena ay waayi karaan taageerada Mareykanka.
Trump ayaa Talaadadii xubnaha NATO ku eedeeyay inay sameeyeen khalad nacasnimo ah, maadaama ay ka horyimadeen inay Mareykanka kala shaqeeyaan ilaalinta socdaalka maraakiibta ee Hormuz.
Isagoo ka garab hadlayay Raysal Wasaaraha Ireland, Micheál Martin oo Talaadadii uu ku qaabilay Aqalka Cad ayuu Trump sheegay in aysan wax gargaar ahi uga baahneyn NATO, hadalkaas oo ka mid ah farriimihiisa joogtada ah ee uu ku soo jiidanayo dareenka dalalka xulafada.
Xulafada Mareykanka ee Yurub, min London illaa Berlin waxay muujiyeen inaysan lahayn qorshe degdeg ah oo ay ku taageerayaan dib u furista marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz, laakiin Trump uma muuqdo mid colaadinta ka joojin doona, illaa kuwa ka mid ah uu dagaalka ku soo jiido, waaba haddii ay ka aqbalaan.
Trump ayay aad muhiim ugu tahay in la xaqiijiyo yoolashii loogu duulay Iran, taas oo uu u arko inay u noqon doonto fursad dahabi ah oo doorashada soo socoto uu Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ku ololayn karo.
Trump ayaa istusaya in haddii la burburiyo Ciidamada Qalabka Sida ee Iran aanay hadhow Tehran awoodi doonin inay mustaqbalka dhow ku gorgortanto inay xiri doonto Marinka Hormuz.
Ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda dibadda oo xaqiijiya Marinka Hormuz oo ammaan iyo xor ah, iyadoo aan Iran heshiis lala gelin ayaa waxay Trump u noqon doontaa marmarsiyo uu dadkiisa ugu sheegi karo in sababta khatartan loogu bareeray ay tahay in laga xoroobo Iran.
Si loo xaqiijiyo deganaanshaha suuqa iyo marinka sahayda tamarta ayaa waxay noqon doontaa howl aan fududeyn, balse haddii lagu guuleysto waxay Trump u noqon doontaa meel uu wax ka bilaabi karo, isaga oo shacabkiisa ku qancinaya in qaranku uu guuleystay.
Warbaahinta CNN ee Mareykanka oo soo xiganeysa Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegtay in Madaxweyne Donald Trump uu diiday dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalada Mareykanka iyo Iran.
Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee Isniintii Wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa Oval ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Iran.
Madaxweynaha oo la weydiiyay goorta uu dagaalku dhamaan doono ayaa ku jawaabay dhawaan. Toddobaadkan miyuu soo dhamaan doonnaa oo la weydiiyay ayaa wuxu yiri “Uma maleynayo sidaas, laakiin dhawaan ayay ahaan doontaa, mana dheeraan doonto.”
Trump ayaa u muuqdo inaanu ka daali doonin, sidii uu dalalka xulafada ugu yaraan qaybtooda uu u soo gelin lahaa dagaalka, haddii aanay khasab ku noqon in heshiis lala galo Tehran.
Sidaan, waa sida Trump iyo kooxdiisa ay wax u rabaan, waxaase wax kasta qorshahooda kaga dheeli kara, haddii cawaaqibka dagaalka Iran uu noqdo mid adag. Illaa iyo hadda ma jirto cid qiyaasi karta muddada uu dagaalkan qaadan karo, iyadoona Trump uu ka baxsanayo in dagaalku uu daba dheeraado.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa Axaddii sheegay inaanay iyagu cidina ku duulin, isla-markaana ay samayn doonaan wax kasta oo cadowga ay isaga difaaci karaan. Wasiir Araghchi ayaa duulaanka lagu soo qaaday dalkiisa ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan guul lagu gaari doonin.
Mar kasta oo Ciidamada Iran uu u sii xirnaado marin biyoodka Hormuz, waa mar kasta oo Trump uu madax xanuunka ku sii kordhi doono, keeni kartana in uu aqbalo in lagu laabto miiska wada hadalka.
Dowladda Iran ayaa carqaladeynta marinka shixnadaha saliidda ee Hormuz ka leh qorshe fog, oo ka hortagaya in lagaga adkaado dagaalkan.