Home Dhacdooyin Iran oo burburisay mid ka mid ah diyaaradaha ugu qaalisan ee Mareykanka

Iran oo burburisay mid ka mid ah diyaaradaha ugu qaalisan ee Mareykanka

by Laacib

Inkasta oo Militariga Mareykanka ay isku dayeen inay qariyaan khasaaraha ay kala kulmeen burburka diyaaraddan, haddana waxay dib ka qirteen inay lumiyeen hanti muhiim ah oo ay lahaayeen.

Ciidamada Iran ayaa Jimcihii garaacay Saldhigga Ciidanka Cirka Mareykanka ee Amir Sultan ee Gobolka Bartamaha Sacuudiga ee Al Kharj, halkaas oo ay ku beegsadeen diyaaraddan oo nooceedu ahaa E-3 Sentry, balse badanaa loo yaqaano (AWACS).

Waa diyaarad u taagan xarun taliska hawada ee dagaalka cirka, waana diyaarad leh raadaar ogaan kara dhaqdhaqaaqyada diyaaradaha dagaalka ee la kaxeeyo, kuwa aan duuliyaha lahayn ee drones-ka iyo gantaalada loo adeegsado duulaanka hawada. Diyaaradda E-3 AWACS ayaa awood u leh inay isku mar la socoto boqolaal bartilmaameed oo la fulinayo, waxayna hagtaa roondooyinka diyaaradaha dagaalka, kuwa kale ee hawada shidaalka ku siiyo iyo difaaca hawada ee guud ahaan goobta dagaalka.

Taliska Ciidamada Iran ayaa Jimcihii sheegay inay si weyn u waxyeeleeyeen diyaarad uu Mareykanku leeyahay, ka dib markii ay gantaal aargudasho ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen Saldhigga Ciidanka Cirka ee Gobolka Al Kharj. Saldhigga Prince Sultan (PSAB) waa saldhigga ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Sacuudiga, kaas oo u adeega, sidii xarun muhiim u ah difaaca hawada ee Gacanka Khaliijka amaba Bariga Dhexe.

Telefishinka Iran ee Press TV ayaa maanta baahiyay sawirro muujinaya diyaaradda oo dhex taala saldhigga, iyadoo aysan is haysan qaarkeeda dambe iyo kan horeba. Weerarku wuxuu u muuqdaa mid si sax ah loogu bartilmaameedsaday dabada dambe iyo qalabkii anteenada wareegga ee raadaarka diyaaradda, oo ah kan ugu muhiimsan ee nidaamyada xiriirka.

Weerarka lagu burburiyay diyaaraddan ayaa meesha ka saaray taliskii iyo kontoroolkii diyaaradda, taas oo sii nugleynaysa difaacii Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka.

Xulashooyinka diyaargarowga Mareykanka ee difaaca Khaliijka iyo Israel ayaa sii yaraanaya, ka dib markii Iran ay muujisay in ay bartilmaameed yihiin dhammaan Saldhigyada Militariga Mareykanka ee gobolka.

Iran ayaa toddobaadyadii ugu horreyay ee dagaalka beegsatay qaar ka mid ah lakabka dareenka ee dagaalka. Horey waxay u burburisay raadaarada THAAD iyo nidaamyada kale ee raadaarka, waana sababta keeneysa inaanan si sax ah looga wada hortagin gantaalada iyo drones-ka ka imanaya dhinaca Iran.

Diyaaraddan ayaa waxay ka mid ahayd diyaaradaha kooban ee qiimaha badan ee Mareykanku uu haysto. Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in Mareykanka uu hadda u haray 17 diyaaradood oo keliya. Waayida xitaa hal waa khasaare istiraatijiyadeed oo daran. Hal diyaarad oo burburta ayaa meesha ka saareysa qayb weyn, oo ah daboolidda raadaarka hawada ee diyaarka u ah dagaalka.

Waxaa lagu sheegay diyaaraddu inay ahayd diyaarad ilaalin heer sare ah oo qaas ah, waxaana qiimaheeda lagu qiyaasay ​​270 milyan illaa 300 milyan oo dollar, inkastoo kharashka bedelkeeda lagu qiyaasay illaa 700 milyan oo lacagta Mareykanka ah.

Dhanka kale Wakaaladda Wararka AP ayaa ku warantay in ugu yaraan 10 askari ay ku dhaawacmeen weerarka, oo laba ka mid ah ay xaaladdoodu liidato. Reuters ayaa sidoo kale Sarkaal Mareykan ah ka soo xigatay in 12 askari ah oo American ah la dhaawacay, kuwaas oo laba uu dhaawacoodu culus yahay, ka dib weerar ay Iran ku qaadday Saldhigga Ciidanka Cirka ee ku yaala Bartamaha Sacuudiga.

Si kastaba ha-ahaatee weerarka ay Iran ku bururisay diyaaraddan ayaa noqonaya jug weyn oo la gaarsiiyay Mareykanka, waana khasaare cusub oo ku kordhaya khasaaraha kale ee qalabka dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc