Home Wararka Caalamka Trumo oo uga sii daraya xiisadda Mareykanka iyo Iran

Trumo oo uga sii daraya xiisadda Mareykanka iyo Iran

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay inuu amar ku bixiyay in la toogto doon kasta oo miino gelineysa marin biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Ciidanka Badda Mareykanka ku amray in ay toogtaan doomaha miinada gelinaya Marinka Hormuz.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social ku sheegay “Waa inaysan jirin wax laba labayn ah.”

Madaxweyne Trump ayaa intaasi ku daray in maraakiibta dagaalka Mareykanka ay hadda miinooyinka ka nadiifinayaan Hormuz.

Farriimaha isku dhafan ee Trump ayaa hortaagan wareegga labaad ee wada hadalada Mareykanka iyo Iran ee Islamabad.

Madaxda Iran ayaa waxay caddeeyeen in ay miiska wada hadalka tagi doonaan, marka Mareykanka uu joojiyo go’doominta uu ku hayo dekedaha dalkaasi, halka Trump uu ballanqaaday in ay xanibaaddu sii jiri doonto, illaa heshiis la gaaro.

Trump ayaa Arbacadii sheegay in Hoggaanka Iran ay isku khilaafsan yihiin in laga qaybgalo wada hadalada iyo inaanan laga qaybgelin, warkaas oo Iraaniyiintu ay beeniyeen.

Shuruudda Tehran ee wafdiga ay ugu diri karto Islamabad ayaa ah in la soo afjaro go’doominta Dekedaha Iran, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc