Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa weli Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug iyo deegaanada hoostaga ka wada diiwaangelinta dadka doonaya inay codeeyaan doorashada soo socota.
Shaqaalaha Guddiga Doorashooyinka ayaa Axaddii deegaanada Gawaan iyo Qararow oo hoostaga Hobyo ka bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, halkaas oo weli lagu diiwaangelinayo dadka ku dhaqan deegaanadaasi iyo kuwa kale ee ka imanaya miyiga, waana xilli gudaha degmada lagu diiwaangelinayo dadka reer Hobyo ee harsan, si ay codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada.
Diiwaangelinta dadweynaha ayaa waxaa garab socda bixinta kaararka lagu codeynayo, sida uu sheegay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa ku celceliyay in kaarka la siinayo oo keliya dadka isku diiwaangeliyay inay wax doortaan amaba la doorto.
Degmada qadiimiga ah ee Hobyo ayaa waxay ka mid tahay 11 magaalo oo Galmudug ah, oo la qorsheeyay in 13-ka bisha May laga qabto doorasho qof iyo cod.
Doorashadan oo ah mid isku sidkan ayaa lagu wadaa in laga qabto Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Hobyo, Balanballe, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale, Ceeldheer, Xarardheere, Guriceel iyo Masagawaa oo ka tirsan Degmada Galcad, waana doorasho ay shacabku ku soo dooranayaan Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, waana doorasho loogu talagalay in hal maalin ay ku qabsoomto.
