Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cumaan ee Magaalada Muscat wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi Badr Albusaidi, taasoo qayb ka ah booqasho rasmi ah oo uu ku joogo Salnada Cumaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa war ay caawa soo saartay u sheegtay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, oo looga gol leeyahay in lagu adkeeyo iskaashiga soo jireenka ah ee ku aaddan danaha wadaagga ah ee labada dal.
Warka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay sidoo kale isweydaarsadeen aragtiyo ku aaddan is bedelada jira, gaar ahaan Gobolka Geeska Afrika, isla-markaana ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay isku dubaridka dadaalada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado amniga, xasilloonida iyo horumarka waara.
“Wasiir Sayyid Badr Albusaidi waxa uu xaqiijiyay taageerada adag ee Cumaan ee ku aaddan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo sidoo kale mowqifkeeda mabda’a, ee ah in aan la aqoonsan cid kasta oo ka baxsan qaab dhismeedka Qaranka Somaliya.” Ayaa lagu yiri warka.
Wasiir Cabdisalaan Cabdi ayaa dhankiisa waxa uu dhiggiisa Cumaan uga mahadceliyay doorka diblomaasiyadeed Muscat iyo dadaalada joogtada ah ee ay ku kobcinayaan baa warka lagu yiri wada hadalka, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida gobolka oo dhan.
