Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Ruushka oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran

Madaxweynaha Ruushka oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran

by Laacib

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa Isniintan Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ku qaabilay Maktabadda Madaxtooyada Boris Yeltsin ee Magaalada Saint Petersburg, iyagoo ka wada hadlaya xaaladda cakiran ee Gobolka Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in Moscow ay samayn doonto wax walba, oo ay gacan kaga gaysan karto nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe, sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda Ruushka.

“Dhankeenna waxaan samayn doonnaa wax walba oo u adeegaya danahiinna (Iran) iyo dhammaan danaha dadka gobolka, si nabad loo gaaro sida ugu dhakhsaha badan.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin oo la hadlayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, sida ay Warbaahinta Qaranka ka soo xigatay Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka.

Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS ayaa ku warantay in Putin uu dadka Iran ku bogaadiyay, sida geesinimada leh ay ugu dagaalamayaan madaxbannaanidooda, welina ay diyaarka ugu yihiin difaaca dalkooda. Ruushka ayaa ka mid ah dalalka cambaareeyay duulaankii Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February ku qaadeen dalkaasi Iran, iyadoo dunida ay dagaalkan u aragto mid sharci darro ah, waxaana xusid mudan in dalalka reer galbeedka ay xitaa ka horyimaadeen inay Mareykanka ka gacan siiyaan dagaalka Iran, sababtu tahay iyaga oo u arka inaanu dagaalkoodu ahayn.

“Ruushku wuxuu ku tala jiraa inuu sii wado xiriirka istiraatiijiga ah ee Iran.” Ayay ku warantay TASS oo soo xiganeysa hadalka uu Putin ka sheegay kulanka uu la yeeshay Abbas Araghchi.

Mr. Araghchi ayaa waxa uu isna kulanka ka sheegay in labada dal ay leeyihiin iskaashi istiraatiijiyadeed, kaas oo uu sheegay inuu sii xoogeysan doono.

Araghchi ayaa u tegay Ruushka, si Tehran iyo Moscow ay wadatashi dhow uga yeeshaan arrimaha gobolka iyo tan caalamkaba.

Ruushka iyo Iran ayaa leh iskaashi dhinacyo badan leh, inkastoo iskaashigoodu aanu gaarsiisaneyn heer ay labada dal isku gurman karaan, haddii midba midka kale la weeraro.

Kulanka uu Araghchi la yeeshay Putin ayaa daba socdo wada hadalo uu maalmihii u dambeeyay la lahaa Madaxda Pakistan iyo Cumaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc