Home Wararka Maanta Ciidamo ku qulqulaya Magaalada Dhuusamareeb

Ciidamo ku qulqulaya Magaalada Dhuusamareeb

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidan xoog leh uu ku qulqulayo magaaladaasi, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada ay saacadihii ugu dambeeyay gaareen ciidamo aan ka yarayn hal guuto, isla-markaana u badan Ciidanka Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka oo ka yimid dhinaca Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo ka soo gudbay xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa dhinaca Matabaan ka soo galay Guriceel, halkaas oo la sheegayo in ay uga gudbeen Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo kale oo ka yimid Gobolka Mudug, iyadoo aan la garaneyn halkay soo mareen ay gaareen Dhuusamareeb.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan ay deggeen Xerada Militariga Qaybta 21aad ee Dhuusamareeb iyo weliba Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa waxaa suurtagal ah in Axadda ama Isniinta uu gaaro Dhuusamareeb, si uu tababar ugu soo xiro ciidamo muddooyinkanba uu tababar uga socday deegaanka Xananbure (Xananbuure).

Taliska Militariga ayaa ciidamadan u daabulay Dhuusamareeb, ka dib markii Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne) uu ka dhega-adeygay in ciidamada uu xukumo ay la wareegaan amniga Dhuusamareeb, isagoona ku baaqay in khilaafka siyaasadeed lagu xaliyo wada hadal.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc