Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu u tegay Baydhabo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah, waxa lagu sheegay nabadiidka.
“Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Ibraahim Maxamed Maxamuud uu u tegay Magaalada Baydhabo ayaa ah, sidii loo dardargelin lahaa halwlgalada ka dhanka ah nabadiidka.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka laguma xusin waxa loola jeedo nabadiidka, hase yeeshee waxaa habeenadii la soo dhaafay magaalada bannaanadeeda weeraro ka gaystay ciidamo taabacsan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa Talaadadii ku hanjabay in ay ciidamadu sii wadi doonaan weerarada ay ka gaysanayaan magaaladaasi, iyagoo ku mucaaradaya joogitaanka Ciidamada Dowladda Federaalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhammaadkii bishii April dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib ku dhawaad laba toddobaad oo uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo, inkastoo uu mar uga sii gudbay dhinaca Gobolka Bakool.
Dib ugu laabashada Taliyaha Militariga ee Baydhabo ayaa waxay noqoneysaa safarkiisii saddexaad ee uu ku tago magaaladaasi, tan iyo markii Ciidanka Xoogga Dalka ay 30-kii bishii March la wareegeen gacan ku haynta Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo.
Dadka reer Baydhabo ayaa ka cabanaya amni darro laga dareemay magaalada, ka dib is bedelkii amni iyo siyaasadeed ee 30-kii March ka dhacay magaaladaasi, meeshana looga saaray Maamulkii Madaxweyne Laftagareen.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la eegaya, waxa uu ka qaban karo amniga jilicsan ee ka jira magaalada ugu weyn ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
