Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay sii adkaanayaan wada hadalada u socdo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Labada dhinac ayaa waxaa horaantii bishan soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed, kaas oo salka ku haya Doorashada Galmudug. Madaxweynaha Galmudug ayaa loolan adag ugu jira, sidii uu dib xafiiska ugu soo laaban lahaa, halka Dowladda Federaalka ay shakhsi kale u waddo booskaasi, taas oo kicisay khilaafka soo kala dhex galay Madaxtooyada Galmudug iyo Villa Somalia, ka dib afar sano oo Qoorqoor uu la shaqeynayay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, odayaal iyo ganacsato reer Galmudug oo ku lug lahaa dadaalada wada hadalada ayaa haatan u muuqdo kuwo gacmaha kor uga taagay, sababtuna waa is mari-waagga u dhaxeeya labada dhinac iyo in aysan ka tanaasuleyn mowqifyadooda iska soo horjeeda ee habka doorashada qofka iyo codka looga qabanayo deegaanada Galmudug.
Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa dhawaan bilaabay in ay u kala dab qaadaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo kan Galmudug, iyagoo aan si toos ah isku soo horfariisaneyn, isla-markaana ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Qoorqoor uu doonayo in doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah laga qabto Galmudug, iyadoo uu xubno ku yeelanayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo in maamulkiisu uu gacanta ku sii hayn doono Magaalada Dhuusamareeb.
Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in Dowladda Federaalka ay dhinaceeda dooneyso in aanan waxba laga bedelin qaab dhismeedka Guddiga Doorashooyinka Qaranka, wax walbana ay u socdaan sidoodii hore, isla-markaana uu guddigu Dhuusamareeb ka dhigto xarunta uu ka hagayo doorashada oo laga qabanayo 11 magaalo oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Dowladda Federaalka oo boqolaal askari ay ka joogaan Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa laga yaabaa in ay isku dayaan inay xoog kula wareegaan amniga magaalada, taasna ma ahan baa la leeyahay mid uu Qoorqoor gorgortan ka geli doono.
Wararka ayaa sheegaya in Jimcihii uu wa-xoogaa dhaqdhaqaaq ciidan ka soo cusboonaaday magaalada, isla-markaana ay gaareen gaadiid dagaal oo ay leedahay Madaxtooyada Galmudug.
Laamaha amniga ee Dhuusamareeb, isla-markaana taabacsan Dowladda Federaalka ayaa waxaa suurtagal ah in ay qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo ciidamada taageersan Qoorqoor.
Haddii wada hadaladu ay noqdaan kuwo aan sii socon karin ayaa waxay ka dhigan tahay in aan la huri karin iska horimaad hubeysan.
Dagaalka Galmudug ayaa la qiyaasayaa in uu sii hurin doono xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Hoggaamyeyaasha Siyaasadda Somaliya ee aan weli heshiiska ka gaarin arrimaha doorashooyinka dalka.
Somaliya ayaa toddobaadkii hore gashay xilli aad u xasaasi ah, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay hal sano oo muddo kororsi ah.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ee xubnaha ka ah isbahaysiga siyaasadeed ee Golaha Mustaqbalka ayaa si weyn uga horyimid muddo kororsiga halka dhinac ah, waxayna ka diggeen in Madaxweynuhu uu dalka dib ugu celiyo waqtigii adkaa ee sida adag looga soo samatabixiyay.
Mucaaradka ayaa dalbanaya in si dhab ah looga heshiiyo arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan, si dalka ay uga qabsoomto hannaan doorasho oo loo dhan yahay.