Home Wararka Maanta Gaariga Zuuga ee laga qabsaday ciidamada Laftagareen oo la geeyay Taliska Qaybta 60aad

Gaariga Zuuga ee laga qabsaday ciidamada Laftagareen oo la geeyay Taliska Qaybta 60aad

by Laacib

Wiish ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka ayaa duleedka Magaalada Baydhabo ka soo jiiday gaari dagaal, oo dagaalkii saaka looga qabsaday ciidamada taageersan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Gaarigan oo qoriga Zuuga uu saaran yahay ayaa loo maleynaya in uu shil galay, intii uu socday dagaalkii ciidamada Laftagareen dib looga saarayay xaafadaha magaalada.

Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa laga soo xigtay in ciidamadaasi ay gaariga uga carareen duleedka waqooyi ee magaalada.

Gaariga nooca dagaalka ee gacanta lagu dhigay ayaa la geeyay Xarunta Taliska Qaybta 60aad ee Baydhabo, mana cadda in halkaasi lagu soo bandhigi doono iyo in kale.

Taliska Qaybta 60aad ayaa goor sii horreysay sheegay in cadowga ay ka qabsadeen gaari dagaal iyo inay ka furteen hub tiro badan, isla-markaana ay soo bandhigi doonaan.

Ciidamada Laftagareen ee Sabtidan soo weeraray magaalada ayay u suurtagashay inay soo gaaraan bartamaha Baydhabo, halkaas oo dagaal xoogan ay kula galeen Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Haramcad iyo Booliska Baydhabo.

Weerarkan ayay ku soo beegeen, iyadoo lagu wado in maanta magaalada lagu dhaariyo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc