Hawlgalka hub uruurinta ee Sabtidii laga bilaabay Magaalada Muqdisho ayaa xiisad cusub ka huriyay magaaladaasi, marka aad eegto in hadal hayn xoog leh ay ka dhalatay iyo in dhinacyada hubeysan ay si dhow ula socdaan xaaladda.
Hawlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad, oo kaashanaya Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo kuwa Hay’adda NISA.
Hawlgalku ma ahan mid horey uga jiray Muqdisho, waase feker ka dhashay dagaaladii dhowr cisho ka hor magaalada ku dhex maray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood.
Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa shalay sheegay in ciidamada amniga ay hawlgal hub uruurin ah ka bilaabeen Degmada Cabdicasiis, ka dib markii talisku uu sheegay in ciidamadii Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ee ka dagaalamay degmadaasi ay hubkooda ku qariyeen goobo kala duwan oo degmadaasi ah.
Ciidamo wata gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah ayaa xalay gaaray Degmada Gubadley, iyadoo uu qorshahoodu ahaa inay hub ka dhigis ku sameeyaan ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan Wasiirkii hore ee Amniga Somaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, inkastoo ciidamadaasi ay si dhakhsa ah uga taggeen degmadaasi, ka dib markii ay ka war heleen in lagu soo socdo.
Korneyl Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay bilaabeen wejiga saddexaad ee hawlgalka.
“Hay‘adaha amniga caasimadda waxa ay bilaabeen hawlgalka qaybtii saddexaad, Insha’Allah waxa uu ku soo dhamaan doonnaa guul buuxda.” Ayuu yiri Korneyl Mahdi Cumar oo saqdii dhexe ee xalay warkan ku sheegay bartiisa Facebook.
Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka tirsan Urur Siyaasadeedka Himilo Qaran ee Shariif Sheekh Axmed uu hoggaamiyo ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay hub uu Korneyl Mahdi shalay galab ku soo bandhigay guri ku yaala Degmada Cabdicasiis, isagoo ku sheegaya inuu yahay hubkii ay ciidamada Shariifka ku qariyeen waqooyiga Muqdisho.
Xildhibaan Gama’diid ayaa Wariyeyaasha u sheegay in dagaalkii Mirinaayo lagu joojiyay wada hadalo ay hormuud ka ahayd Beesha Caalamka, isla-markaana ay Mirinaayo ka baxeen iyagoo wata hubkooda oo dhan, oo qof iyo qori aanay midna uga tagin.
Xildhibaanka ayaa warka Taliyaha Booliska Muqdisho ku sheegay mid lagu khaldayo ra’yiga dadweynaha, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay halkii laga sugayay in la xoojiyo is afgaradka Jimcihii la gaaray, khilaafaadka siyaasadeedna laga heshiiyo ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaadeyso tallaabooyin ay ku carqaladeynayso.