Home Wararka Maanta Ciidamada Dowladda oo burburiyay xeendaabkii difaaca amniga ee guriga Sheekh Soomow

Ciidamada Dowladda oo burburiyay xeendaabkii difaaca amniga ee guriga Sheekh Soomow

by Laacib

Ciidamada Dowladda Federaalka oo u muuqdo kuwo fulinaya amar ka soo baxay madaxda sare ayaa maanta burburiyay difaacii yaalay afaafka hore ee guriga Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Abuukar Soomow uu ku leeyahay xaafadda Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa gaari cagaf-cagaf ah ku qaaday difaacii hore ee guriga Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo ka mid ah Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Saraakiisha Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa laga soo xigtay in gurigan ay maalmo ka hor difaac ahaan u adeegsanayeen ciidamadii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ee Ciidamada Dowladda Federaalka kula dagaalamay xaafaddaasi Mirinaayo.

Ciidamada ayaa Axaddan dib u furay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Isgoyska Mirinaayo, kaas oo ku xirmay xiisaddii Arbacadii illaa Jimcihii ka taagneyd Degmada Cabdicasiis, iyadoo guriga Sheekh Cabdiqaadir Soomow uu saaran yahay waddadaasi, oo habeenkii Arbacada lagu gubay gaadiid ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

Gurigan keliya hoy uma ahayn Sheekh Soomow, balse sidoo kale waxa uu ahaa Xafiiska Golaha Sare ee Culimada Ahlu Sunna Waljameeca amaba Ahlu Sunnada Gobolka Banaadir.

Xeendaabka difaaca gurigan oo la sameeyay 18 bilood ka hor ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo oo lagaga hortago khasaaraha weerarada ka iman kara maleeshiyada Al Shabaab, bacdamaa Culimada Ahlu Sunna qaar badan oo ka mid ah ay u ololeeyaan in dalka laga suuliyo fekerka Shabaabnimada iyo in lala dagaalamo maleeshiyadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc