Garsoore Cumar Cartan oo ka mid ah garsooreyaasha ugu sarreya ee Qaaradda Afrika ayaa ka mid noqday 7 Garsoore oo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF uu u diray inay wax ka dhexdhexaadiyaan Ciyaaraha Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ee lagu qabanayo Mexico, Mareykanka iyo Canada.
Garsooreyaasha Afrika ayaa wadarta guud ee garsooreyaasha ay FIFA u qorsheysay inay dhexdhexaadiyaan tartankaasi ka dhigeysa 52 Garsoore, waana sida uu ahaa qorshaha asalka ah ee FIFA ay dhawaan ku dhawaaqday inay garsoori doonaan kulamada la ciyaarayo, inkastoo FIFA ay Talaadadan liiskaasi ka saartay Garsooraha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Cumar Cartan, sababo ku aaddan diidmada Mareykanka ee inuu garsooruhu galo dalkaasi.
Maamulka Socdaalka Federaalka Mareykanka ayaa Garsoore Cumar Cartan ka horjoogsaday inuu gudaha u galo dalkaasi, iyadoo la turxaan bixinaayo walaaca amniga. Garsooraha oo wata fiisaha saxda ah ee dal ku galka Mareykanka ayaa Sabtidii ka degay Garoonka Diyaaradaha Miami ee Gobolka Florida, laakiin saraakiisha ayaa u sheegay inaanan la ogoleyn inuu gudaha u galo dalka, taas oo keentay in dib loogu celiyo Magaalada Istanbul.
Hay’adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka ayaa laga soo xigtay in Garsooraha Sare ee Somaliya ay saameynayso xayiraadda fiisaha ee dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay dalkaasi.
Somaliya ayaa waxay ka mid tahay 39-ka dal ee ku qoran amarka fulinta ee laga mamnuucay inaysan dadkoodu imaan karin dalkaasi Mareykanka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore saxiixay amar muwaadiniinta dalalkaasi looga mamnuucayo in la siiyo fiisaha dal ku galka Mareykanka..
Dhammaan garsooreyaasha kale ee Afrika iyo kuwa ee ka socda dunida inteeda kale ayaa loo ogolaaday inay galaan dalkaasi, marka laga soo tago Garsooraha Qaran ee Somaliya.
Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Somaliya, Maxamed Cabdiqaadir Cali ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay sameysay dadaalo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Mareykanka iyo FIFA, si xal degdeg ah loogu helo arrintan, balse nasiib darro aysan dadaaladaasi guuleysan.
FIFA ayaa sheegtay in Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan uu ka maqnaan doono Koobka Adduunka, iyadoona u sababeysay “FIFA kuma lug laha hababka socdaalka ee dalka martida loo yahay, oo ay ku jiraan go’aan ka gaarista fiisaha, waxaana ay ku soo wargeliyeen masuuliyiinta in Mr. Cartan xaaladiisa aan waxba laga bedeli doonin hadda.”
Si kastaba ha-ahaatee 6-da Garsoore ee kale ee hadda ka socda Afrika iyo dalalka ay u kala dhasheen ayaa kala ah Pierre Atcho (Gabon), Dahane Beida (Mauritania), Mustapha Ghorbal (Algeria), Jalal Jayed (Morocco), Amin Mohamed Omar (Egypt) iyo Abongile Tom (South Africa).
Cartan waa garsoorihii ugu mudnaa ee garsooreyaasha ay Afrika u dirtay Koobka Qaramada Adduunka ee FIFA 2026, marka loo eego in Xiriirka Kubadda Cagta Afrika uu sanadkii hore u tixgeliyay inuu yahay garsooraha ugu wanaagsan ee 2025.
Tallaabada uu Maamulka Donald Trump isku hortaagay inuu galo dalkaasi ayaa dood adag ka dhalisay barraha bulshada, sidoo kalena wuxuu noqday qodobka koowaad ee Warbaahnta caalamiga ah ay ka warameyso.