Iyadoo Galmudug ay ku jirto xilli doorasho ayaa waxaa garab socda xaalad hubanti la’aan oo dhinaca amniga ah, iyadoona dadka deegaanka ay ka walaacsan yihiin suurtagalnimada in lagu dagaalamo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socdo kulamo gaargaar ah oo ay leeyihiin bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo lagu xoojinayo dadaalada dadka deegaanka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug loogu baaqayo in laga fogaado gacan ka hadal iyo in si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabadda iyo wadajirka bulshada reer Galmudug.
Xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ayaa la xiriirta loolan ku aaddan Doorashada Hoggaanka Galmudug, iyadoo Madaxtooyada Somaliya ay dooneyso in la bedelo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweynaha Galmudug oo doonaya in uu mar kale ku soo laabto xafiiska.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Qoorqoor iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo ifbaxay horaantii bishii May, ka gadaal markii Villa Somalia ay diiday in laga gacan siiyo dib u doorashadiisa.
Qoorqoor oo wixii xilligaasi ka dambeeyay difaac dabada la galay ayaa si weyn uga biyo diidan in deegaanada Galmudug laga qabto doorasho natiijadeeda la sii ogyahay.
Hoggaamiyaha Galmudug oo dhowr jeer oo hore Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb ku qaabilay Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta qaar ee reer Galmudug ayaa u sheegay in uu taageeri doono in doorasho daahfuran laga qabto deegaanada Galmudug, iyadoo laga heshiinayo Guddiga Doorashooyinka, wixii ka baxsana aanu wax gorgortan ah ka geli doonin.
Haldoorka Galmudug ayaa riixaya doorasho xor iyo xalaal ah, loona dhan yahay in laga qabto Galmudug, si looga baaqsado isku dhacyo hubeysan iyo in muran la geliyo natiijada doorashada.
Hoggaanka Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaan illaa iyo hadda Madaxweyne Xasan Sheekh ka helin damaanad ku saabsan in doorashada soo socoto ay noqon doonto mid lagu kalsoon yahay, laguna wada qanci karo.
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo booqasho ku joogta Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka digtay burbur, dib-u-dhac siyaasadeed iyo mid amni, iyadoona Madaxda Qaranka xusuusisay in dhib badan laga soo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Maadaama doorashadan ay si toos ah u taabaneyso masiirka dadaka reer Galmudug ayaa waxay Hoggaamiyeyaasha Bulshada Galmudug u ololeynayaan in Bartamaha Somaliya laga qabto doorasho heshiis lagu yahay.
Si kastaba ha-ahaatee Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa laga yaabaa in uu hoggaamiyo dadaalo xal looga gaarayo xiisadda, si looga hotago dib-u-dhac iyo khilaaf siyaasadeed oo saamayn ku yeesha xasilloonida Gobolada Dhexe.