Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulankiisii ugu horreyay ee maamulkaasi.
Kulankan oo looga hadlayay amniga deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (Joon) iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, oo laga xusi karo Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale.
War ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Wasiirka iyo Saraakiisha Ciidamada ay Hoggaamiyaha warbixino ka siiyeen xaaladda amni ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa laga soo saaray go’aamo la xiriira amniga, oo ay ka mid yihiin in askari aan wadan labiska ciidamada aanu qori ku dhex qaadan karin Magaalada Baydhabo iyo in gaadiidka dagaalka aysan ku dhex socon karin gudaha magaaladaasi, haddii aysan ku jirin howlo shaqo.
“Shirka ayaa lagu soo saaray go’aano la xiriira amniga, oo ay kamid yihiin in askari aan wadanin dareeska ciidamada aan qori ku dhex wadan karin gudaha magaalada, in baabuurta dagaalka aan ku dhex socon gudaha magaalada, haddaysan ku jirin hawlgal iyo in la bilaabi doono hawlgalo qorsheysan oo lagu furaayo Waddooyinka Degmooyinka Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri warka Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Warka ayaa lagu sheegay “Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshada, si loo xaqiijiyo amni waara, isaga oo faray laamaha amniga inay sii laba jibaaraan dadaalada lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.”
Warka ayaa intaasi ku daray “Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la xoojiyo hawlgalada amniga, korna loo qaado iskaashiga ka dhaxeeya ciidamada iyo shacabka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, loona xaqiijiyo jewi amni oo ku habboon horumarka iyo adeegyada bulshada.”
Aadan Madoobe oo Arbacadii loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Khamiistii xilka kala wareegay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo 70 cisho ku magacawnaa Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed.
