Home Dhacdooyin Somaliya oo si weyn looga xusay munaasabadda 1-da Luulyo (SAWIRRO)

Somaliya oo si weyn looga xusay munaasabadda 1-da Luulyo (SAWIRRO)

by Laacib

Somaliya ayaa si weyn looga xusay munaasabadda 1-da Luulyo ee sanad guurada 66aad ee ka soo wareegatay xorriyadda iyo midnimada ee gobolada dalka.

Xuska ayaa si heer sare ah uga qabsoomay magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Kismaayo iyo Garoowe, iyadoona ay ka qaybgaleen madax iyo kumanaan shacab ah.

Magaala madaxda dalka ee Muqdisho, cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo bandhigay gaardis, gaadiidka gaashaaman iyo qalab ciidan.

1-da Luulyo ayaa ku beegan maalintii ay xoroobeen Gobolada Koonfurta iyo Midowgii & Israacii ee Gobolada Koonfurta iyo Waqooyiga Somaliya, markaas oo si rasmi ah loo aasaaay Dowlad Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb qaadanaya munaasabadda 1-da Luulyo ayaa maanta ubax dhigay taalada lagu xusuusto halyeeyadii u soo halgamay xorriyadda iyo midnimada dalka.

“Madaxweynaha oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray gobanimada iyo mideynta dalka ayaa ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon, isaga oo xusay qiimaha ay leedahay in la xusuusto halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed ay u soo galeen xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada.” Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga wararka ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saqdii dhexe ee xalay ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 66 guurada laga joogo maalinta taariikhiga ah ee 1-da Luulyo ee astaanta u ah xorriyadda Gobolada Koonfureed iyo Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfurta, taas oo suurtagelisay in la yegleelo Jamhuuriyadda Somaliya ee xubinta ka ah Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc