Home Wararka Caalamka Qaraxyo ka dhacay Magaalada Dimishiq oo Madaxweynaha Faransiiska uu ku sugan yahay

Qaraxyo ka dhacay Magaalada Dimishiq oo Madaxweynaha Faransiiska uu ku sugan yahay

by Laacib

Laba qarax ayaa Talaadadan ka dhacay magaala madaxda Suuriya ee Dimishiq, iyadoo maalintii 2aad uu magaaladaasi booqasho ku joogo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Qaraxyada ayaa ka dhacay meel u dhow Hotelka Four Seasons oo lagu waday in uu ku sii sugnaado Madaxweynaha Faransiiska.

Madaxweyne Macron ayaa xilligii ay qaraxyadu dhacayeen ku sugnaa Madaxtooyada Suuriya, isagoona kulan kula lahaa Madaxweyne Ahmed Al Sharaa.

Telefishinka Qaranka Suuriya ayaa sheegay in Madaxweyne Al Sharaa uu saaka dhiggiisa Faransiiska ku soo dhaweeyay Xarunta Madaxtooyada.

War ka soo baxay Madaxtooyada Faransiiska ee Elysee ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Macron uu badqabo, isla-markaana uu weli ku guda jiro booqashadiisa Caasimadda Dimishiq.

“Booqashada waxay u sii socon doontaa, sidii loogu talagalay.” Ayaa lagu yiri warka Qasriga Elysee.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa sidoo kale sheegtay in dhacdadani aysan khatar ku ahayn booqashada Madaxweynaha Faransiiska, isla-markaana ay u sii socon doonto, sidii la qorsheeyay.

Macron ayaa lagu wadaa in uu Dimishiq uga sii gudbo Magaalada Ankara, halkaas oo uu shir uga furmayo hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah NATO.

Illaa 18 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxyada ka dhacay Dimishiq, oo sida la sheegay ka dhashay walxo qarxa. Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in afar sarkaal oo boolis ah ay ka mid yihiin dadka wax ku noqday qaraxyadaasi.

Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in mid ka mid ah qaraxyada lagu riday goob qashin, kan kalena uu ahaa gaari la dhigay waddada dhinaceeda.

Macron ayaa gelinkii dambe ee Isniintii gaaray Dimishiq, wuxuuna noqday hoggaamiyihii ugu horreyay ee Midowga Yurub ama reer galbeed ah ee booqda Suuriya, tan iyo markii bishii December ee sanadkii 2024 awoodda laga tuuray Madaxweyne Bashar Al Assad.

Ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxyada Dimishiq.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc