Home Wararka Maanta Ibraahim Iidle Suleymaan oo mar kale loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka

Ibraahim Iidle Suleymaan oo mar kale loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare Dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, isagoona magacaabay mid kale.

Madaxweynaha ayaa Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleymaan u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, kaas oo horey xilkan u soo qabtay.

“Madaxweynaha oo tixgeliyay cabasho ka timid Garsooreyaasha dalka, howlwadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah ayaa go’aansaday in dib-u-habayn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halayn karo.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu soo geba-gabeeyay “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Gudoomiyaha cusub u rajeeyay in uu ku guuleysto gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madaxbannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo xaqiijinta caddaaladda loo siman yahay.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc