Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday taliska laga hoggaamiyo hawlgalada Sh/dhexe

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday taliska laga hoggaamiyo hawlgalada Sh/dhexe

by Laacib

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa gaaray deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii ay ka taggeen Gobolka Galgaduud oo Axaddii ay gaareen.

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Militariga ayaa kormeeray fariisimaha ay ciidamada ku leeyihiin deegaankaasi oo hoostaga Degmada Cadale.

“Ujeedada booqashadan ayaa ahayd u kuurgelidda xaaladda ciidamada ku sugan furimaha hore, dhiirigelinta iyo garab istaagga Ciidanka XDS iyo ciidamada xaq u dirirka deegaanka, xilli ay si dardar leh u socdaan hawlgalada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warka lagu sheegay inay ciidamada ku wargeliyeen in ay sii xoojiyaan dadaalada lagu xaqiijinayo amniga iyo xoreynta deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Wargaadhi ayaa ah taliska laga hoggaamiyo hawlgalada Gobolka Shabellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Militariga ayaa Wargaadhi ku leh xero militari iyo talis taakulo oo loogu talagalay ciidamada ka hawlgala gobolkaasi.

Wargaadhi ayaa sidoo kale waxay saldhig u tahay Ciidanka Difaaca Shacabka (Macawiisley) ee ka hawlgala bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, wuxuuna deegaanku leeyahay garoon diyaaradeed.

Wargaadhi ayaa ku taala goob muhiim ah oo laga la socdo isu socodka waddada xeebta ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc