Home Wararka Maanta Ciidamada oo weerar dhul iyo cir ku qaaday deegaanka Baqdaad

Ciidamada oo weerar dhul iyo cir ku qaaday deegaanka Baqdaad

by Laacib

Ciidanka Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo taageero xagga cirka ah ka helaya diyaaradaha dagaalka ee saxiibada caalamka ayaa maanta weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Baqdaad ee Gobolka Jubbada Hoose.

Deegaankan ayaa ku yaala inta u dhaxeyso deegaanada Kaamjiroon iyo Hoosingow oo hoostaga Dagmada Badhaadhe, wuxuuna ka mid yahay deegaanada hoostaga degmadaasi ee ay ka arrimiyaan maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ay bartilmaameedsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay dagaal fool ka fool deegaankaasi kula galeen maleeshiyada, isla-markaana ay u daateen godadka qaar ee gabaadka u ahaa.

Sarkaal ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay xubno ka tirasn Al Shabaab iyo in gacanta lagu soo dhigay laba nin oo horjoogeyaal ahaa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada ay dib uga soo baxeen deegaanka, isla-markaana ay ku sugan yihiin Shabaabka.

Tan iyo bishii June ayaa waxaa kordhayay iska horimaadyada ciidamada iyo Al Shabaab ku dhex maraya gudaha Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa bishii June Shabaabka ka saaray deegaano hoostaga Degmada Afmadow, oo laga xusi karo Biibi, Harboole iyo Miido.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc