Home Wararka Maanta Turkiga oo ciidamo cusub u tababaraya Dowladda Somaliya

Turkiga oo ciidamo cusub u tababaraya Dowladda Somaliya

by Laacib

Dowladda Turkiga oo xulafo muhiim ah la ah Somaliya ayaa rasmi ah u ballaarineysa howlaheeda tababarka iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida ee lagu tababaro gudaha dalka.

Saraakiisha Turkiga ayaa ciidamo cusub u tababaraya Dowladda Federaalka, si kor loogu qaado tayada iyo diyaargarowga Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Turkiga, General Metin Tokel ayaa maanta Magaalada Muqdisho u yimid hirgelinta heshiisyada difaaca ee labada dal ee lagu xoojinayo iskaashiga militari iyo wada-shaqaynta hawlgalada Somaliya iyo Turkiga.

Somaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishii February ee sanadkii 2024 kala saxiixday heshiis ku qotoma iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha. Heshiiskan oo Turkiga uu kaga caawinayo Somaliya ilaalinta xeebaheeda ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-dhiska Ciidanka Badda.

Heshiiska badda ee labada dal ay galeen ayaa u ogolanaya Turkiga inuu tababaro, isla-markaana uu qalabeeyo Ciidanka Badda Somaliya, muddo toban sano ah.

Saraakiisha Turkiga ayaa markii hore Ciidamada Dowladda Somaliya ku tababarayay Xerada TURKSOM ee duleedka Muqdisho, waxaana la filayaa in sidoo kale ay askarta ku tababaraan Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Qorilow ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiisha Turkiga ayaa horey Xerada TURKSOM ugu tababaray kumanaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Tallaabooyinka uu hadda Turkigu u qaadayo dardargelinta dib-u-dhiska iyo tayaynta ciidamada ayaa lagu xoojinayaa awooddooda difaaca.

Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu dhow ee Dowladda Federaalka kala shaqeeya arrimaha amniga, dhismaha Ciidamada Qalabka Sida iyo xoojinta xirfadahooda.

Turkiga oo dhanka kale Somaliya ka taageera kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa ah dalka ugu weyn ee maalgashiga ku sameysta Somaliya, wuxuuna ku howlan yahay, sidii uu shidaal qodis uga bilaabi lahaa xeebaha dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc