Home Wararka Caalamka Iran oo garaacday shan ka mid ah dalalka Carabta

Iran oo garaacday shan ka mid ah dalalka Carabta

by Laacib

Iran ayaa sheegatay masuuliyadda weeraro Axaddan ka dhacay Bahrain, Kuwait, Qatar, Cumaan iyo Jordan, iyadoo ay sii kordheyso xiisadda ka aloosan Gobolka Bariga Dhexe.

Weeraradan ayaa ah kuwo ay Iran kaga aargudaneyso duqaymo uu saaka Mareykanka ka gaystay bartilmaameedyo ku yaala dalkaasi, isagoo ku eedeeyay in ciidamadeeda ay Sabtidii weerareen markab ganacsi oo marayay Marinka Hormuz.

Saraakiisha Iran ayaa sheegay inay garaaceen xarumaha iyo kaabeyaasha Militariga Mareykanka ee dalalkaasi.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa lagu sheegay inay weerar culus oo lama filaan ah ku qaadeen xarumaha taageerada saadka iyo goobaha shidaalka lagu shubo ee ay isticmaalaan shirkadaha diyaaradaha Mareykanka ee Dekedda Duqm ee Cumaan.

Taliska ayaa soo saaray war kale oo ay ku sheegayaan in sidoo kale ay gantaalada ballaastikada ku garaaceen Saldhigga Cirka Al Udeid ee ay isticmaalaan Ciidamada Mareykanka ee ku yaala dalkaasi Qatar.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Iran ay burburiyeen xarun lagu dayactiro, laguna habeeyo diyaaradaha dagaalka iyo sidoo kale xarun talis iyo maamul oo ku tiilay saldhigga.

Taliska ayaa war kale oo uu soo saaray ku sheegay inay gantaalada ballaastikada ku bartilmaameedsadeen Saldhigga Cirka Prince Hassan ee Jordan, ayna burburiyeen xarun talis iyo goob ay ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9.

Warbaahinta Dowladda Iran ayaa sheegtay in ciidamada dalkaasi ay mowjado duqaymo ah ku qaadeen xarumo militari oo Mareykanku ku leeyahay Kuwait iyo Bahrain, iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Warbaahinta Iran ayaa ku warantay duqaymahan lagu beegsaday nidaamka difaaca hawada ee Patriot, bakhaar rasaas ah iyo goob raadaar ah oo Militariga Mareykanka ku leeyihiin Kuwait, sidaasi oo kalena ay ciidamadu bartilmaameedsadeen nidaamka isgaarsiinta Mareykanka iyo goob raadaar oo ku taala Bahrain.

Tehran ayaa dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka ku eedeysay inay gacan siinayaan Ciidamada Mareykanka ay weerarada ka gaysanaya gudaha Iran.

Iraaniyiinta ayaa waxay mar walbaba sheegaan inay ka aargudan doonaan goobaha ay ku tilmaamayaan inay yihiin saldhigyada laga soo qaado weerarada lagu hayo dhulka Iran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc