Home Wararka Caalamka Ciidamada Mareykanka oo dhaqangeliyay go’doominta cusub ee Dekedaha Iran

Ciidamada Mareykanka oo dhaqangeliyay go’doominta cusub ee Dekedaha Iran

by Laacib

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Gacanka Cumaan ayaa Talaadadan dhaqangeliyay xayiraadaha dhanka badda ee Mareykanka uu dib ugu soo rogay Dekedaha Iran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in Mareykanka uu soo celinayo xayiraadihii Dekedaha Iran ee la qaaday bishii hore ee June, ka dib markii uu ciidamada dalkaasi ku eedeeyay inay weerareen maraakiib ganacsi oo ku sugnaa Marinka Hormuz.

Go’doomintan ayaa saamayn doonta maraakiibta ganacsiga ee ku sii jeeda ama ka imanaya Dekedaha Iran, isla-markaana adeegsanaya marin biyoodka Hormuz.

Tallaabadan oo uu fulinayo Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa lagu horjoogsanaya dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha la macaamila Dowladda Iran inay taggaan xeebaha dalkaasi amaba ay ka baxaan.

Saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay in si isku mid ah ay Ciidanka Badda Mareykanka u beegsan doonaan maraakiibta booyadaha shidaalka iyo kuwa kale ee sida shixnadaha ganacsiga.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa xiriirka bulshada ku sheegay in dhammaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ay mari karaan Hormuz, marka laga soo tago buu yiri kuwa Iran.

Trump ayaa Madaxda Iran ku eedeeyay kuwo beenaaleyaal ah, rabshado wada iyo in falalkooda xunxun ay dalka u horseedayaan burbur dhameystiran.

Dhanka kale Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka laabtay war shalay ka soo yeeray, oo uu ku sheegayay in boqolkiiba labaatan (20%) lagu canshuuri doono badeecadaha maraakiibta ku gooshaya Marinka Hormuz.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu go’aansaday in lacagta 20% uu ku bedelo heshiisyo ganacsi, oo Dowladaha Khaliijka ay ku maalgashanayaan Mareykanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc