Home Wararka Maanta Kumaandooska Danab oo hawlgal ka sameeyay gudaha deegaanada Al Shabaab

Kumaandooska Danab oo hawlgal ka sameeyay gudaha deegaanada Al Shabaab

by Laacib

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Militariga Somaliya ayaa la sheegay in ay hawlgal ka sameeyeen dhowr deegaan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

War Khamiistan ka soo baxay Taliska Kumaandooska Danab ayaa lagu sheegay in ciidamada ay hawlgal burburin ah ka sameeyeen deegaanada Toora-toorow, Caliyow Baarow, Doonka iyo Farsooley ee gobolkaasi.

“Hawlgalkan oo ahaa mid si qorsheysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa hawlgalkan ku burburiyay goobo ay kooxdaasi u adeegsan jireen gabaad iyo isku abaabul.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Ururada 161aad iyo 164aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab ayaa sii wada hawlgalada lagu ciribtirayo kooxaha qalqal-geliya amniga, iyagoo ka shaqeynaya difaaca shacabka iyo ilaalinta nabadgelyada deegaanada.”

Lama sheegin wax iska horimaad ah oo ka dhacay deegaanadaasi, intii ay ciidamadu hawlgalka ka wadeen.

Ciidanka Danab ayaa bishan July bilaabay inay si xiriir ah hawlgalada qorsheysan uga sameeyaan deegaanada ay ka arrimiyaan maleeshiyada Al Shabaab, iyadoona hawlgalkoodii ugu horreyay ay 1-dii bishan ka sameeyeen deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

5-tii iyo 8-dii bisha ayay sidoo kale weerar ku galeen deegaanada Farsooley iyo Baqdaad oo ka kala tirsan Gobolada Shabellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Habeenkii Axadda ee 12-kii July ayay Kumaandooska Danab hawlgal indhaha dadka soo jiitay ay ka sameeyeen Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaas oo noqday hawlgalkii ugu horreyay taariikhda ay Ciidamada Dowladda Federaalka ka fuliyaan degmadaasi, muddada ay ku sugan yihiin Shabaabka oo 19 sano ah.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Isniintii sheegtay in hawlgalkaasi lagu dilay toddobo xubnood oo Shabaab ah, oo uu ku jiro horjooge kaalin ku lahaa bay tiri abaabulka maleeshiyaadka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc