Xoogaga Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa kordhiyay dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada qaar ee bariga Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada hoostaga Degmada Maxaas.
Dhaqdhaqaaqyada Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa kordhay toddobaadkan, xilli ay soo dhow yihiin Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku garab siinaya in maleeshiyada Al Shabaab laga fogeeyo magaalooyinka iyo deegaanada Hirshabelle ee laga qabanayo doorashada qof iyo codka.
Wararka ayaa sheegaya in Macawiisleyda oo sidoo kale loo yaqaano (Ciidanka Difaaca Shacabka) ay culeys saarayaan deegaanka Suullaay (Suulaaye) oo hoostaga Degmada Maxaas. Deegaankan oo ku yaala meel istiraatiiji ah ayaa isku xira Maxaas, Teedaan iyo Waabweyn, waana deegaan muhiim u ah isu socodka dadka ee bartamaha dalka.
Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii duqeeyay goobo ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Suullaay, si looga hortago Shabaabka isku uruursanaya duleedyada Maxaas.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa xalay warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in duqayntaasi lagu dilay 18 nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, halka 21 kalena lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus.
“Waxaa la burburiyay hal gaari oo dagaal oo ay kooxda adeegsaneysay, fariisimo iyo dhufeysyo ay ka sameysteen deegaanka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
17-kii bishan ayaa sidoo kale xagga cirka laga garaacay Shabaabka ku sugan deegaankaasi, waxaana xusid mudan in 13-kii bishan la duqeeyay difaac ay Al Shabaab ka sameysatay deegaanka Goobo oo 15km u jira Degmada Maxaas, kaas oo ah deegaanka ugu weyn ee ay ka ilaaliyaan amniga degmadaasi.
Weerarada lagu hayo Shabaabka ku sugan duleedyada Degmada Maxaas ayaa yareynaya isu socodka iyo gurmadka maleeshiyada, waxayna ciidamada ka taageerayaan in ay horumar ka sameeyaan hawlgalada.
Joojinta gurmadka Shabaabka ayaa ka hortagaya in maleeshiyadu ay hesho xoojin iyo raashiin soo gaara, waxayna ciidamada siineysaa fursad ay ku qabsadaan deegaano cusub.
Dhanka kale Kumaandooska Gorgor oo garabsanaya Macawiisleyda ayaa hawlgal ka dhan ah Al Shabaab ka wada deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buuloburde.
Ciidamada ayaa doonaya in ay maleeshiyada ka saaraan Yasooman oo dhul buuraley ah, waxaana ku taala waddo xiriirisa Buuloburde iyo Maxaas. Waddada Yasooman ayaa sidoo kale isku xirto Degmooyinka Buuloburde, Moqokori iyo Maxaas.
Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey) ayaa Axaddii shacabka ku dhaqan deegaanada ay ciidamada ka hawlgelayaan ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha buu yiri ay cadowga joogaan.
“Yuunan cadowgu ku dhuumanin aqalkaaga iyo buushkaaga, yaanu cadowga ku dhuumanin booyadaha oo yuusan hub ku dhex qarsanin, qulqulka waddooyinkana ha la yareeyo. Waxaan leenahay cadowga isma haynayno, haddii uu Ilaahay yiraahdo, gabalkoodaa dhacay.” Ayuu yiri Taliyaha Qaybta 27aad.