Ururka Xuutiyiinta ayaa sheegay inay ciidamadoodu beegsadeen xarumaha ay Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ee Aramco ku leedahay Magaalooyinka Jizan iyo Yanbu oo saaran xeebaha Badda Cas.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in Sabtidan ay gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen kaabeyaasha dhaqaalaha ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo laga jawaabayo gardarrada Riyadh.
Afhayeenka ayaa sheegay in Sacuudiga uu xalay weeraro xagga cirka ah ka gaystay Dekedda Hodeidah iyo Jasiiradda Kamaran oo ku taal xeebta galbeed ee Yemen.
General Yahya Saree ayaa sheegay in duqaymahaasi ay muujinayaan, sida Sacuudiga ay uga go’an tahay inuu sii wado go’doominta buu yiri shacabkeenna iyo ku xadgudubka madaxbannaanida dalkeenna.
Saree ayaa wacad ku maray in Ciidamada Yemen ay qaadi doonaan jawaab celin adag oo la mid ah falalka uu ku eedeeyay Boqortooyada Sacuudiga.
Dhanka kale Madaxa Wada-xaajoodka Xuuthiyiinta, Mohammed Abdul Salam ayaa Riyadh ku eedeeyay inay weli hortaagan tahay db u furista Garoonka Diyaaradaha Sanca, wuxuuna siyaasadda Sacuudiga ee Yemen uu ku tilmaamay mid la mid ah tan Israel, isagoo labadaba ku eedeeyay inay ka siman yihiin beenta, isla weynida, naceybka iyo gardarrada.
Mohammed Abdul Salam ayaa ku hanjabay in ururka reer Yemen uu sii wadi doono weerarada ka dhanka ah Sacuudiga, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo ay Sacuudiga ku doonayaan inay xayiraado dheeraad ah ku soo rogaan Dekedaha Yemen ay la kulmi doonaan jawaabteeda, taasna ay sii xumeynayso xiisadda Badda Cas, sida uu yiri.
Warka Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa imanaya, xilli ay ka sii dareyso xiisadda labada dhinac ee ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan Badda Cas.