Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Talaadadii ay gaareen gurmad maleeshiyada Al Shabaab ah, ka dib markii ay ka soo gudbeen xuduudda uu gobolkaasi la wadaago Gobolka Shabellaha Dhexe.
Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhaqdhaqaaq ka wada Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley, si Al Shabaab looga saaro deegaanada qaar ee dhaca bariga gobolkaasi.
Tani ayaa keentay in Al Shabaab ay dhankeeda dhaqdhaqaaq ka bilowdo gobolkaasi, si Shabaabku ay u sii haystaan deegaanada ay ka maamulaan bariga gobolkaasi.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in gurmad Shabaab ah oo ka kala yimid Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay gaareen Degmada Moqokori iyo weliba deegaanka kale ee lagu magacaabo Tardo. Tardo waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah oo xiriirisa Moqokori, Jalalaqsi, Buuloburde iyo Maxaas.
Maleeshiyada ayaa sidoo kale dhaqdhaqaaq ka waddo deegaanka Jicibow ee ku yaala jiinka bari ee Webiga Shabelle, waana mid ka mid ah deegaanada la isaga tallaabo webiga oo bari iyo galbeed u kala qaybiya Gobolka Hiiraan.
Shabaabka ayaa gurmad isaga keena goobo kala duwan, marka sidaan oo kale uu culeys uga soo fuulo dhulka loo socdo in laga saaro.
Shabaabka ayaa isku dayaya in ay difaacdaan deegaanada istiraatiijiga ah ee isku xira Degmooyinka Moqokori iyo Maxaas, si aysan go’doon u gelin.
Militariga Somaliya ayaa diiradda saaraya in Shabaabka laga riixo deegaanada Yasooman, Suullaay iyo Waabweyn iyo in aan la ogolaan inay ku sii sugnaadaan tuulooyinka yaryar ee ku dhow dhow.