Home Wararka Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo Xubnaha Golaha Deegaanka oo maanta la dooranayo

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo Xubnaha Golaha Deegaanka oo maanta la dooranayo

by Laacib

Dadka reer Galmudug ayaa Khamiistan u dareeraya goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Galmudug.

Dad gaaraya 267,420 qof ayaa isku diiwaangeliyay in maanta oo ah maalinta codbixinta inay codkooda dhiibtaan, sida ku cad tira-koobkii u dambeeyay ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyay Arbacadii.

11 magaalo oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa laga qabanayaa doorashadan, oo ay ku tartamayaan in ka badan 10 Urur Siyaasadeed.

Dadweynaha ayaa ka codeynaya goobaha codbixinta ee loogu diyaariyay Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Hobyo, Balanballe, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale, Ceeldheer, Xarardheere, Guriceel iyo Masagawaa iyo weliba deegaanada qaar ee hoostaga magaalooyinkaasi.

Doorashada oo loogu talagalay in hal maalin ay ku qabsoomto ayaa la sheegay in goobaha codbixinta la furi doono 6-da subaxnimo, lana soo xiri doono 6-da fiidnimo.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shacabka ugu baaqay in ay u soo baxaan doorashada oo codkoodana ay dhiibtaan.

Ururada JSP iyo Towfiiq ayaa la qiyaasayaa in ay ku guuleysan doonaan kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka iyo Golaha Deegaanka, waana suurtagal in qiyaasaha ay wax iska bedelaan.

Kuraasta Baarlamaanka ee lagu tartamayo ayaa ah 89 kursi oo ay u taagan yihiin 369 musharax, halka kuraasta Golaha Deegaanka lagu sheegay 243 kursi oo ay ku tartamayaan 924 musharax. Musharaxiinta ayaana metelaya Ururada Siyaasadda.

Dhanka kale laamaha amniga ayaa hakad geliyay isu socodka gaadiidka, waxaana la xiray Garoomada Diyaaradaha ee Galmudug.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda Galmudug ayaa iska kaashanaya dadaalada lagu sugayo amniga.

Doorashadan ayaa ah middii ugu horreysay ee toos ah ee laga qabto Gobolada Dhexe, ku dhawaad 58 sano ka dib.

Cabdikariin Axmed Xasan, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta ku tilmaamay maalin taariikhi ah, isagoona ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc