Ka dib dagaaladii xooganaa ee 1-dii iyo 2-dii bishan ka dhacay deegaanada u dhexeeya Teedaan iyo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sababay in uu hakad ku yimaado isu socodkii dadka iyo ganacsiga ee labada magaalo ee Maxaas iyo Matabaan.
Inkasta oo aanu jirin dagaal toos ah oo ka dhacay gobolka, wixii ka dambeeyay Axaddii oo Al Shabaab ay qabsatay deegaanka Teedaan, haddana waxaa weli taagan cabsi iyo gariir dagaal oo u dhexeeya labada dhinac.
Shabaabka ayaa dhufeysyo ka sameystay deegaanka Teedaan, halka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka (Macawiisley) ee ka baxay Teedaan ay ku sugan yihiin deegaanka Bukure.
Shabaabka ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u ilaashan lahaayeen Teedaan, halka Saraakiisha Militariga ay wadaan qorshe dib maleeshiyada looga saarayo deegaankaasi.
Dadka ku dhaqan deegaanada Bukure, Hees iyo Coomaad ayaa kuu sheegaya in maalmihii u dambeeyay aan la arkin gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka oo ka soo gudbaya deegaanka Teedaan, isla-markaana imanaya deegaanadaasi amaba u socda dhanka Galmudug.
Ganacsatada iyo wadayaasha gaadiidka xamuulka ayaa dareemaya in aagga ay ka jirto xiisad adag, oo muujineysa in qarka loo saaran yahay inay dhacaan dagaalo kale, waana dareen ka dhashay jewi muujinaya inuu jiro diyaargarow dagaal.
Qoysaska ay saameeyeen dagaaladii ka dhacay deegaanada Suullaay, Xasan Raqay, Sulmo, Xagar iyo aagga Teedaan oo qaybtood u barakacay deegaanka Hees ayaa ka cabanaya nolol xumo iyo inaysan Dowladda Federaalka soo gaarsiinin kaalmo bani’aadantinimo.
Deegaanka Teedaan ayaa muhiim u ah dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waana deegaan xiriiriya Magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.