Home Wararka Maanta Ciidamo cusub oo tababar loogu soo xiray Xerada Militariga Xananbuure (SAWIRRO)

Ciidamo cusub oo tababar loogu soo xiray Xerada Militariga Xananbuure (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Galmudug ayaa maanta ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure ama Xerada Militariga Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo sanadkii hore lagu xareeyay dugsiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay halkaasi lagu barayay xirfadaha ciidanimo, iyagoona hadda diyaar u ah inay si rasmi ah uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Xafiiska Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in ciidamadan ay noqonayaan kuwoodii ugu badnaa ee tababar heerkani oo kale ah ku qaata gudaha dalka, tan iyo intii Somaliya ay dib uga soo kabatay xilligii burburka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in ciidamadan ay astaan u yihiin soo kabashada dowladnimada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maadaama markii ugu horreysay kumannaan askari ay ku qalin-jabiyeen dugsi ciidan oo ku yaala gudaha dalka, iyagoo si rasmi ah ugu biiraya safafka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa intaasi ku daray “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo sharafta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dhowraan midnimada iyo qaranimada dalka, ayna waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo, waddaniyad iyo masuuliyad leh.”

Dugsiga Xananbuure ayaa hoostaga Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo madax uu u yahay Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne), kaas oo dib-u-habayn iyo ballaaran lagu sameeyay sanadkii hore. Doorka dugsigan ayaa ah in la soo saaro cutubyo cusub oo xoojiya dagaalka dalka looga saarayo maleeshiyada Al Shabaab.

Munaasabaddan ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Sahal Cabdullaahi Cumar, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo masuuliyiin kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc