Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha oo Jimcihii ka degay Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure, halkaas oo safar dhinaca dhulka ah uu uga sii gudbay deegaanka Godinlabe iyo Cadaado.
Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu safarkiisu ugu kuurgelayo nolosha bulshada iyo amniga deegaanka.
Boqolaal ka mid ah dadka reer Cadaado ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku soo dhaweeyay fagaare ku yaala bartamaha magaalada.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dadku kula hadlay goob fagaare ah, isla-markaana uu ku amaanay isku duubnida, ilaalinta nabadda iyo taageerada dowladnimada.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu reer Cadaado ugu baaqay inay ka qayb qaataan halgan kama dambeys ah, oo dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Al Shabaab. 












