Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Madaxda ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise, halkaas oo ay kula hadleen dad fara-badan oo kuwa deegaanka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka reer Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee ay ugu sameeyeen magaalada, isagoona ku amaanay, sida ay u ilaalinayaan midnimada iyo wadajirka dhexdooda.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada kulamo kula qaadan doona bulshada qaybaheeda kala duwan.
Magaalada ayaa waxaa la geeyay boqolaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, si ay kuwa Galmudug uga gacan siiyaan sugidda amniga ee wafdiga Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gaaray Gaalkacyo, iyadoo Puntland ay digniin ka soo saartay imaanshiiisa magaalada, ka dib markii ay ku eedeysay in uu colaad cusub ka hurinayo gudaha Puntland.
Galmudug ayaa Puntland ku gacan seyrtay in laga hortago safarka Madaxweynaha ee Gaalkacyo, iyadoona Galmudug ay sheegtay in Madaxweynuhu uu xaq u leeyahay in xilli kasta uu soo booqdo deegaanada Galmudug.
Xaaladda Gaalkacyo ayaa ah mid xasaasi ah, iyadoo Puntland ay ku dhawaaqday in la hakiyay dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee magaalada, muddada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sugan yahay magaaladaasi. Puntland ayaan ogoleyn in la tago koonfurta Gaalkacyo iyo in dad halkaasi ka socda ay soo galaan dhinaca waqooyi ee magaalada.
Go’aankan ayaad mooddaa in si gaar ah loogu beegsanayo Odayaasha Dhaqanka ee reer Puntland ee la rabo inay koonfurta Gaalkacyo kula kulmaan Madaxweyne Xasan Sheekh.
