Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Dagaalka ka dhacay Magaalada Baydhabo

Macluumaad la xiriira: Dagaalka ka dhacay Magaalada Baydhabo

by Laacib

Inta la hubo toban qof ayaa geeriyootay, tiro tobanaan kalena ahna dhaawac ayaa soo gaaray, markii ciidamada taageersan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay saakay weerar culus ku ekeeyeen Magaalada Baydhabo.

Maamulka Isbitaal Goboleedka Baay ee Magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyay in la soo gaarsiiyay dhaawacyada 25 qof oo dad rayid ah ay ku jiraan.

Afhayeenkii hore ee Maamulkii Madaxweyne Laftagareen, ninka lagu magacaabo Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay beegsadeen magaaaldaasi, si ay uga saaraan waxa uu ku sheegay Salbalaar iyo Afbalaar.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Birmadka Koonfur Galbeed ay iska difaaceen weerar ay magaalada si wadajir ah ugu soo qaadeen maleeshiyada Al Shabaab iyo ciidamada taabacsan Laftagareen.

Dagaalka ayaa waxa uu xooggiisu ka dhacay xeryo ciidan oo ku yaala darafyada magaalada, halkaas oo dadka deegaanka ay sheegeen in laga maqlay qaraxyo waaweyn.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ugu yaraan laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu bartilmaameedsaday xerada ay ciidamadu ku leeyihiin Boonkey oo jihada koonfureed uga beegan magaalada.

Xaafadda dhanka bariga magaalada ku taala ee Towfiiq ayaa waxaa lagu arkay niman hubeysan oo wejiyada ay u duuban yihiin, kuwaas oo mar dambe ay goobta ka saareen ciidamo gurmad ah oo ka baxay bartamaha magaalada.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Ciidamada Qalabka Sida ay Magaalada Baydhabo ku jebiyeen maleeshiyaadka taabacsan baa warka lagu yiri Cabdicasiis Laftagareen iyo Khawaarijta Al Shabaab oo isku milmay.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa beeniyay in ciidamadooda ay ka garab dagaalamayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ugaas Xasan ayaa ku adkeystay inaysan iyagu iyo Al Shabaab isku ujeeddo ahayn, isla-markaana ay iyagu ku jiraan halgan ay dib ugu xoreynayaan sida uu yiri Koonfur Galbeed.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor, Danab, Polizia Militare, Haramcad, NISA, Daraawiishta, Birmadka iyo Booliska Koonfur Galbeed ayaa waxay maanta si weyn uga taxadareen in xoogaga weerarka soo qaaday ay si qoto dheer isugu soo fidiyaan gudaha magaalada.

Xaaladda Baydhabo ayaa haatan degan, laakiin dadka deegaanka waxay qabaan cabsi ah in dagaalo kale ay soo socdaan, haddii aan xal loo helin loolanka dhanka awoodda maamulka ee u dhexeeya maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo hoggaankii hore.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc