Home Wararka Maanta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday hoygiisa

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday hoygiisa

by Laacib

Wararka ka imanaya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawa ay duqayn diyaaradeed ka dhacday degmadaasi oo ku taala xuduudda.

Wararka ayaa sheegaya in duqaynta lagu beegsaday guri uu degmadaasi ka deganaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo bulshada ay u taqaano (Taliye Shub).

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in General Mahad Cabdiraxmaan uu ku sugnaa hoygiisa, xilligii ay duqayntu dhaceysay, isla-markaana uu ka soo gaaray dhaawac fudud.

General Mahad Cabdiraxmaan ayaa tan iyo bishii July ku sugnaa Degmada Doolow, ka dib markii uu ka soo wareegay dhinaca Magaalada Nairobi oo muddo billo ah uu ku sugnaa.

Jananka oo ka mid ah Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee taabacsan Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa 30-kii July ku hanjabay in Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) aanu nabad ku joogi doonin Magaalada Baydhabo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in duqaynta lagu bartilmaameedsaday hoygiisa ay fulisay diyaarad uu nooceedu ahaa drone, taas oo aan si dhab ah loo aqoon dalka laga leeyahay.

Duqaynta ayaa ku soo beegmeysa, xilli saakay ciidamada taageersan Laftagareen ay weerar xoogan ku qaadeen Baydhabo.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin duqayntan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc