Ciidamada amniga ayaa Magaalada Baydhabo ku xiray toddobo nin oo dhallinyaro ah, kuwaas oo ku eedeysan in ay qalqalgelinayeen dadka deegaanka.
Raggan oo hadda lagu hayo xarumaha hay’adaha ammaanka ee magaaladaasi ayaan la sheegin wax hub ah oo lagu soo qabtay.
Saraakiisha Booliska ayaa laga soo xigtay in habeenkii Jimcaha ay raggan cabsi iyo argagax geliyeen bulshada reer Baydhabo, ka dib markii ay guryaha ku garaaceen, isla-markaana ay u sheegeen in ay si dhakhsa ah uga baxsadaan dagaal ka dhici rabo magaalada.
Inta badan falalka cabsi gelinta ayaa laga soo sheegay xaafadaha geesaha magaalada ku yaala, gaar ahaan bariga iyo waqooyiga.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Isaaq (Koosaar) oo ay wehliyaan Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo, Kaptan Cali Aadan Maxamed (Cali Taagey) iyo Saraakiil kale ayaa xalay iyaga oo lugeynaya kormeeray xaafadaha qaar ee Baydhabo.
Geba-gabadii kormeerka ayaa waxaa si wadajir ah Warbaahinta ula hadlay Wasiir Koosaar iyo Taliye Cali Taagey, kuwaas oo sheegay in magaalada ay xasilloon tahay, wax dhibaato ah oo ka jirana aanu jirin.
Taliye Cali Taagey ayaa shacabka ugu baaqay inaysan dhageysan, waxa uu ku sheegay Shayaadiin tuugo ah iyo Khawaarij isbaheystay oo carqaladeynaya xasilloonida magaalada.
“Shacabka waxaan u sheegaynaa inay is dejiyaan, keliyana ay qaataan warka ka soo baxa hay’adaha ammaanka. Haddii xaafad laga baxaayo iyo haddii la joogaayaba hay’adaha ammaanka ayaa sheegaya, laakiin haddii Shayaadiin tuugo ah iyo Khawaarij isbaheystay laga qaato, dhibkeeda ayay leedahay.” Ayuu yiri Cali Taagey oo intaasi ku daray “Marka waxaan sheegaynaa nimankaas sharta ah inaanan wax dambe laga qaadan.”
Tallaabada lagu soo xiray raggan ayaa loo qaaday in lagu xakameeyo falalka nabadgelyo darrada iyo argagax-gelinta ee lagu hayo shacabka.