Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa Axaddan gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
“Taliyaha Guutada 36aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baardheere ku soo dhaweeyay Taliyaha iyo Saraakiisha socdaalka ku wehlinayay.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Militariga.
Socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Baardheere ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladda amni ee gobolka, kormeerka howlaha Ciidanka Xoogga Dalka, dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale oo muhiim u ah howlaha ciidanka, sida lagu sheegay warka.
Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada, isagoona ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda guud ee amniga degmadaasi iyo hawlgalada ay ciidamadu ka wadaan deegaanada hoostaga.
General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa waxaa safarka ku wehliya Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doctrine-ka Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Ciise Axmed, Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta iyo Technology-ga Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Cartan iyo Saraakiil kale.
