Maleeshiyada Al Shabaab ayaa u muuqdo kuwo sii kordhinaya culeyska ay saarayaan deegaanada hoostaga Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, ka dib markii Jimcihii ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Hees oo hoostaga magaaladaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka oo Sabtidii qaaday guluf ay dib ugu la wareegayaan Hees ayaa ku guuldareystay in ay hawlgalka sii wadaan, taas oo Al Shabaab ka caawisay in ay isku soo fidiyaan deegaanka Madhooy oo u dhow deegaanka Coomaad, oo ah difaaca ugu weyn ee laga ilaaliyo amniga Magaalada Matabaan.
Tani ayaa sidoo kale xiisad ka abuurtay deegaanada Qabno iyo Bacda oo hoostaga Matabaan, iyadoo dadka deegaanka ay kuu sheegayaan in Shabaabku ay ku sii siqayaan deegaanadaasi.
Dadka deegaanku keliya kama cabsi qabaan in lagu dul dagaalamo, balse waxay sidoo kale walaac ka muujinayaan in Shabaabku ay jaraan isu socodka waddada laamiga ee xiriirisa Magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan.
Waddada laamiga waxay muhiim u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka ganacsiga ee qaybo ka mid ah Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Waddadan ayaa sidoo kale ah marinka ugu weyn ee saadka iyo sahayda uu u maro Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee fariisimaha ku leh deegaanada hoostaga Matabaan.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa meelaha qaar ka wada diyaargarow ay uga hortaggayaan duulaanka Al Shabaab.
Xaaladda deegaanada hoostaga Matabaan ayaa ah mid kacsan, sababo la xiriira is bedelada dhanka amniga ee ka jira gobolka.