Home Wararka Maanta Magaalada Baydhabo oo qarka u saaran in la go’doomiyo

Magaalada Baydhabo oo qarka u saaran in la go’doomiyo

by Laacib

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa wajaheysa halis ah in ay noqoto magaalo go’doonsan, iyadoo ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay qabsanayaan magaalooyinka ku dhow dhow magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa Khamistii shalay dagaal kula wareegay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, waxayna toddobaadkii hore ay bilaa dagaal kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Qansaxdheere ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ka amarka qaata Cabdicasiis Laftagareen ay haatan isha ku hayaan Degmada Berdaale iyo deegaanka kale ee Awdiinle ee u dhexeeya Baydhabo iyo Berdaale.

Haddii ciidamadan ay la wareegaan Degmada Berdaale ayaa waxay u suurtagelin kartaa in ay si buuxda u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo badeecadaha la geeyo Baydhabo.

Buurhakaba ayaa ku taala jidka weyn ee isku xira Baydhabo iyo Muqdisho, waxayna fariisin muhiim ah u tahay isu socodka gaadiidka ganacsiga labada magaalo.

Waddadan ayaa waxay halbowle u tahay dhaqdhaqaaqa ganacsiga Baydhabo, iyadoo magaaladan ay ka adeegtaan shacabka ku dhaqan deegaanada aadka uga durugsan ee Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.

Meesha ay ku taalo Buurhakaba ayaa xitaa door weyn ka qaadata isu socodka badeecadaha ka yimaada Dekedda Muqdisho ee la geeyo Gobolka Baay iyo gobolada kale ee deriska la ah.

Ciidamada u daacadda ah Laftagareen ayaa wada guluf ay dhul cusub isugu fidinayaan, taas oo sii xoojineysa difaaca iyo fariisimahooda Gobolka Baay.

Khubarada dhanka amniga ayaa kuu sheegaya in garabka mucaaraadka ee Laftagareen uu hoggaamiyo uu ujeedkoodu yahay in ay culeys amni saaraan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo ay ku yaallaan Xarumaha Maamulka ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa muuqato inay ka jiraan laba awoodood oo isku garbinaya talada maamulka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc