Home Wararka Maanta Ciidamo ka hortaga duulaanka Al Shabaab oo lagu abaabulayo Matabaan

Ciidamo ka hortaga duulaanka Al Shabaab oo lagu abaabulayo Matabaan

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in lagu abaabulayo ciidamo ay tahay inay ka hortaggaan maleeshiyada Al Shabaab, oo culeys soo saaray deegaanada hoostaga magaaladaasi.

Ciidamadan oo u badan ciidamo dadka deegaanka ah ayaa la doonayaa in ay xoojin u noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee fariisimaha ku leh deegaanada qaar ee hoostaga magaaladan.

Ka dib markii Shabaabku ay 9-kii bishan dagaal kula wareegeen deegaanka Hees oo hoostaga Matabaan ayaa waxay bilaabeen in ay isku soo fidiyaan deegaanada kale ee hoostaga magaaladaasi, sida Coomaad oo muhiim u ah amniga Matabaan.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka mid ah maleeshiyada Shabaabka guur-guura ay ku sii siqayaan deegaanada kale ee Qabno iyo Bacda, taasoo kor u qaadday cabsida laga qabo in ay jaraan jidka isku xira Matabaan iyo Beledweyne.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey) oo maalin ka hor ku laabtay Magaalada Beledweyne, ka dib howlo shaqo oo maalmihii u dambeeyay uu u joogay Caasimadda Muqdisho ayaa la filayaa in uu bixiyo taakulada ay ciidamada u baahan yihiin, si looga hortago duulaanka iyo is ballaarinta Al Shabaab.

Taliye Cagey ayaa waxaa suurtagal ah in uu iskaashi la sameeyo Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne), si taliskiisu uu ciidamo ugu soo diro aagga Matabaan.

Militariga ayaad mooddaa in aysan ogolaan karin in ay go’do waddada xiriirisa Beledweyne iyo Matabaan, maadaama ay tahay marinka uu saadka iyo sahayda u maro Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ku sugan deegaanada ku dhow dhow Matabaan.

Waddadan ayaa ah waddada ay adeegsadaan Ciidanka Xoogga Dalka ee ka imanaya Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee u sii gudbaya dhinaca Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waa marin weyn oo sidoo kale muhiim u ah nabadgelyada Gobolka Hiiraan, isu socodka dadka iyo gaadiidka ganacsiga ee gobolkaasi iyo gobolka kale ee ku dhegan ee Galgaduud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc