Liibaan Axmed Xasan ayaa maanta loo doortay in uu noqdo Hoggaamiyaha xiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug, isagoona codad badan kaga guuleystay musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Cabdullaahi Diiriye.
Doorashadan oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay wax dooranayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayuu Liibaan Axmed Xasan helay 72 cod, halka Cabdiqaadir Cabdullaahi Diiriye uu helay 14 cod, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Xuseen Maxamed Nuur.
“Codadka halaabay waa saddex, tirada codadka ansaxayna waa 86 cod. Cabdullaahi Cabdullaahi Diiriye wuxuu helay 14 cod. Liibaan Axmed Xasan wuxuu helay 74 cod, sidaasi darteed waxaa guuleystay Liibaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Codeyntan ayaa waxaa ka qayb qaatay dhammaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Galmudug oo ka kooban 89 Xildhibaan, sida ku cad natiijada codbixinta.
Dhanka kale Xildhibaanada ayaa Cabdiweli Ibraahim Garyare u doortay Hoggaamiye Kuxigeenka Galmudug.
Doorashadan oo ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ka qaybgalay oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).
Hoggaanka cusub ee la doortay ayaa shanta sano ee soo socota hoggaamin doona Dowlad Goboleedka Galmudug.