Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka oo aan ka tanaasuli karin Degmada Buurhakaba

Dowladda Federaalka oo aan ka tanaasuli karin Degmada Buurhakaba

by Laacib

Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa waxay leedahay muhiimad weyn oo dhinacyada juqraafiyadda, istiraatiijiyadda iyo dhaqaalaha ah, waana magaalada labaad ee ugu weyn gobolkaasi, iyadoona qiyaastii 60km u jirta Baydhabo.

Waxay dhacdaa meel muhiim ah oo isku xirta Baydhabo iyo Caasimadda Muqdisho, iyadoona magaaladan ay 180km jihada koonfureed uga beegan tahay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Degmada Buurhakaba waa albaabka laga galo Gobolka Baay, marka laga tago dhinaca Muqdisho iyo waddada loo maro Gobolada Bakool iyo Gedo.

Buurhakaba ayaa waxay saaran tahay waddada laamiga ee xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, waxayna fariisin muhiim ah u tahay isu socodka gaadiidka ganacsiga iyo badeecadaha ka yimaada Dekedda Muqdisho ee la geeyo Baydhabo, deegaanada Gobolka Baay iyo qaybo ka mid ah gobolada kale ee deriska la ah ee Bakool iyo Gedo.

Dagaal-yahano u daacad ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa 15-kii bishan weerar xoogan ku ekeeyay degmadaasi, iyadoo ayna u suurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan. Ciidamada Laftagareen ayaa sidoo kale bishan la wareegay Degmooyinka Qansaxdheere, Berdaale iyo Diinsoor.

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi ayaa Khamiistii sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay qabsadeen Degmooyinka Gobolka Baay, wuxuuna ku goodiyay in ay dib uga saari doonaan.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin Degmada Buurhakaba, si ay ugu soo celiyaan gacanta Dowladda Federaalka iyo tan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Villa Somalia iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaan ogolaan karin in xulafada Laftagareen ay maamulaan gobolkaasi, gaar ahaan jidka weyn ee isku xira Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Cid kasta oo maamusha waddadan ayaa waxay awood buuxda u siineysaa inay canshuurto gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ganacsiga ee isugu goosha Muqdisho iyo goboladaasi, taasina waa sababta aysan Dowladda Federaalka u ogolaan karin in dhinacyada hubeysan ee ka soo horjeeda ay sii haystaan Degmada Buurhakaba ama ay ahmiyad u siineyso kontoroolka degmadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc