Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta Xarunta Golaha Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka duulaya xoojinta wada-shaqaynta Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa Xarunta Golaha Aqalka Sare kulan kula qaatay Gudoomiye Cabdi Xaashi, sida lagu sheegay war qoraal ah ka soo baxay xafiiskiisa.
“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Labada Aqal, dardargelinta hindise sharciyeedyada muhiimka u ah danaha qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed iyo u diyaargarowga ka doodista xisaab-xirka sanad miisaaniyadeedka 2025, si waafaqsan dastuurka dalka.” Ayaa lagu yiri warka.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno uu ka mid yahay Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde).
