Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne) iyo Saraakiil ka tirsan taliskiisa.

“Soo dhaweynta ka dib Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

“Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed, howlaha ay ka wadaan deegaanada Galmudug iyo arrimaha la xiriira shaqada iyo hawlgalada ciidanka ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay in booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Dhuusamareeb ay qayb ka tahay kulamada uu la yeelanayo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan qaybaha kala duwan ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc