Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo guluf weyn ku kicinaya Al Shabaab

Madaxweynaha Somaliya oo guluf weyn ku kicinaya Al Shabaab

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa juhdi badan gelinaya, sidii loo dardargelin lahaa ololaha militari ee maleeshiyada Al Shabaab lagaga sifeynayo Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Talaadadii gaaray jiidaha hore, si uu ciidamadu ugu dhiirigeliyo inay xoojiyaan hawlgalka ballaaran ee ka socdo deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo ku hormaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa uga sii gudbay Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa habeen hore ku hoyday Degmada Moqokori, waana markii ugu horreysay oo jiidda hore uu ku hoydo, tan iyo markii uu bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa siyaabooyin kala duwan Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori ugu la kulmay Saraakiisha Ciidamada ee hoggaamineysa hawlgalkan iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee Arbacadii shalay gaaray Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa xalay fiidkii dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa deegaanada Hirshabelle u tegay, si culeyska loogu kordhiyo Shabaabka Hirshabelle, waana xilli maalmahaanba ay cadaadis militari kala kulmayeen gulufka dagaal ee ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo haatana la karkarinayo furin labaad oo lagaga furayo Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegaya in uu u soo jeestay, sidii maleeshiyadaasi looga ciribtiri lahaa labada gobol ee Hirshabelle. Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa xitaa ka jira abaabul iyo diyaargarow ciidan oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudg.

Hawlgalka dhulka iyo cirkaba leh ee hadda ka socdo deegaanada qaar ee Hirshabelle ayaa waxaa cad in culeys uu ku noqday maleeshiyada Shabaabka.

Shabaabka ayaa garowsan in maalmaha ina soo aaddan uu culeyska ku kordhi doono, marka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay u soo dhaqaaqaan deegaanada ay ka haystaan Gobolka Hiiraan.

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa la aaminsan yahay in ay diiwaangelisay dhowr kun oo ka mid Macawiisleyda Gobolka Hiiraan, ka gadaal markii Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu dalbaday in dib loogu bilaabo mushaaraadkii iyo gunnooyinkii ay dowladda siineysay.

Taliska Militariga ayaa sidoo kale Macawiisleyda ku taageeraya hub iyo rasaas fara-badan, oo maalmaha dhow ay uga hawlgalaan gobolkaasi. Qorshaha ayaa ah in Macawiisleydu ay garab u noqoto Ciidanka Xoogga Dalka ee la dagaalamaya Al Shabaab.

Hawlgalka labada gobol ee Hirshabelle ayaa tijaabo u ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana lagu kala ogaanayaa inay Shabaab ka adkaan karto iyo in kale. Dowladda oo Shabaab ka sifeyso Hirshabelle waxay ku jiidi doontaa in dalka intiisa kalena ay ka ciribtirto.

Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ee Hirshabelle ayaana la xiriiray in la xaqiijiyo Hirshabelle oo xor ka ah Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xusuustaa in sanadkii 2023 uu horkacayay guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, iyadoo dowladdiisu ay taageero ka heleyso qabaa’ilada iyo dadka deegaanka ee la abaabulay. Gulufkaas ayaa Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay ka haysteen Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Villa Somalia oo sanadkii 2024 hakisay wejiga koowaad ee hawlgalkii bartamaha dalka ka socday ayaa waxay taasi keentay in Shabaabku ay ka faa’iideystaan, dibna ay ugu soo laabtaan deegaanadii qaar ee Galmudug iyo Hirshabelle ee dagaalka looga saaray.

Shabaab ayaa waxaa muuqata in ay arkaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mar kale ku soo riixayo guluf kaloo weyn, waana sababta ay Talaadadii kolonyada Madaxweynaha ugu weerareen meel aan sidaasi uga fogeyn Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka badbaaday qarax la dhigay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta, inkastoo uu qaraxaasi haleelay mid ka mid ah kolonyadii lagu gelbinayay oo nooca aysan rasaastu karin ah.

Dowladda ayaa muruqeeda iyo maalkeedaba isugu gaysay Hirshabelle, si uu u miro-dhalo hawlgalka ay ciidamadu ka wadaan, ugana gudubto xujada Shabaab ee goboladaasi.

Si kastaba ha-ahaatee waxaa jirta hal mid oo dadka oo dhimi ay qirsan yihiin, taas oo ah waa inaanan la garaneyn muddada uu hawlgalkan socon doono.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc