Home Wararka Maanta Alcadaala “Shabaab ayaa dilay Shaqaalaha Shirkadda Hormuud”

Alcadaala “Shabaab ayaa dilay Shaqaalaha Shirkadda Hormuud”

by Laacib

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay ka dambeeyeen dilka lix ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom loogu gaystay duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaari ay wateen shaqaalahan ayaa gelinkii dambe ee Axaddii qarax lagu la eegtay deegaanka Garasbaaley, xilli ay dib ugu laabanayeen xarunta shirkadda ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ay ka hawlgeli jireen.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Shabaabka caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed ay ka masuul yihiin falkaasi.

“Falkaas waxaa ka dambeeyay kooxaha cadowga ah ee Khawaarijta ee ka macaasha dhiigga dadka Soomaaliyeed, horeyba sida aan kala sooca lahayn u leynayay ayaa masuul ka ah.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri “Tuhun ma ahan ee dhaqamada, ficilada iyo howlaha noocaan ah dadka Soomaaliyeed-na waa yaqaanaan, dowladduna way la socotaa, dabcan falalkooda iyo ficiladooda ay ku beegsanayaan dadka Soomaaliyeed kuwo waqti badan soo socday ayay ahaayeen. Dhagarta ay ku dileen Shaqaalaha Hormuud dhagarihii dadka Soomaaliyeed ay u dhigi jireen iyo qaraxyada ay dadka qaar baabuurta ugu xiri jireen, qaarna waddooyinka ay u gelinayeen bay ka mid tahay. Marka iyagaa ka dambeeya, iyagaana ka masuul ah, arrintaasina waa arrin xaqiiqo ah.”

Wasiir Alcadaala ayaa afka ku ballaariyay in weerarada muddooyinkii ugu dambeysay lagu beegsanayay Shaqaalaha Hormuud Telecom iyo xarumahoodaba ay gaysanayeen Shabaabka.

“Ficiladii ugu dambeeyay noocaan ah ee si gaar ah ganacsatada loogu beegsanayay muddooyinkan, waxaa waday kooxda Al Shabaab la baxday ee Khawaarijta ah.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Mar wax laga weydiiyay sababta Hormuud iyo shaqaalaheeda ay Al Shabaab ugu beegsaneyso Muqdisho ee aysan ugu beegsaneynin dhulka ay ka arrimiso ayuu ku jawaabay in shirkaddu aysan caqabad ka haysan Muqdisho oo keliya, balse sidoo kale lagu bartilmaameedsanayo gobolada kale ee dalka.

“Waxaad ogtahay in shirkaddan meelo kala duwan lagu beegsaday shaqaalahooda. Waxaan ognahay gobolada in dhibaato badan lagu hayo oo dhaqdhaqaaqoodii iyo shaqadoodii meelo badan laga xiray oo dhibaato ay Khawaarijtu u gaysatay.” Ayuu yiri Alcadaala.

Dhanka kale Alcadaala ayaa sheegay in dhibaatada lagu hayo Shirkadda Hormuud ay qayb ka tahay dhibaatada guud ee ay Shabaabku ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Ganacsato badan oo Soomaaliyeed ayay dhibaato u gaysteen. Marka ganacsatadaas guud ayay ka mid yihiin, dabcan muraadkoodana waa inay baabi’iyaan nolosha dadka Soomaaliyeed. Meelaha dadka halbowlaha u ah ayay beegsadaan, si gaar gaar ah iyo si guudna ay dadka u beegsadaan.” Ayuu yiri Alcadaala oo intaasi ku daray “Runtii dhibaatada ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed muddooyinkii dambe waa mid soo kordheysay, oo ay isku dayayaan in dadka Soomaaliyeed meelaha noloshooda ay ka socoto ay ka curyaamiyaan.”

Alcadaala ayaa ugu dambayn sheegay in laamaha amniga ay ku howlan yihiin baaritaanka iyo daba galka, ciddii ka dambeysay qaraxan ugu dambeeyay ee lagu dilay Shaqaalaha Shirkadda Hormuud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc