Home Wararka Maanta Biyo xireen looga hortaggayo fatahaadaha oo laga sameynayo Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Biyo xireen looga hortaggayo fatahaadaha oo laga sameynayo Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Maamulka Dowladda Hoose ee Magaalada Dhuusamareeb oo kaashanaya ganacsatada deegaanka ayaa wada qorshe looga hortaggayo daadadka iyo fatahaadaha la sheegayo in ay ka dhalan karaan roobabka mahiigaanka ee laga digayo in ay ka da’i doonaan gobolada dalka.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa ka digtay in roobabku ay sababi karaan daadad iyo fatahaado halakeeya dalka, iyadoona maamulada fartay in ay u diyaargaroobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadahaasi, dadkuna ay feejignaan badani muujiyaan xilligan oo la filayo in dalka uu ka curto roobka dayrta. Hay’adda waxay sheegtay in la filayo in roobabka ay ka bataan qiyaasihii caadiga ahaa.

Dhuusamareeb ayaa waxaa hadda duleedyadeeda laga sameynaya biyo xireen, waddo furis loo sameynayo goobo ay biyuhu maraan iyo dayactir lagu sameynayo buundada magaalada.

Xoghayaha Aqalka Dowladda Hoose ee Dhuusamareeb, Cabdisalaan Caabi Aadan ayaa sheegay inay ka hortaggayaan fatahaadihii horey uga dhici jiray sida uu yiri magaalada.

“Iyadoo aan waxba la isku dayin oo shaqo aan la qaban inta roob yimaado la barakaco ayaa laga hortagaya.” Ayuu yiri Xoghayaha oo Warbaahinta la hadlay.

Waxa kaloo uu yiri “Shaqo aad iyo aad u badan ayaa laga qabtay biyo xireenka. Biyo xireenka keliya kama socoto shaqadu waxay kaloo ka socotaa qaybta bari ee magaalada ee biyaha fariistaan, waxaana loo sameynaya meelo ay biyuhu maraan.”

Xoghayaha ayaa yiri “Sidaad ogtihiin waxaa laga shaqeeyay biyo mareenkii ama buundadii magaalada dhexdeeda ku taalay, gaar ahaan Siinaay togii marayay oo la furay.”

Waxa uu intaasi ku daray “Waana la sii wadayaa, haddii Ilaahay yiraahdo, maanta meesha ay joogto looga hari mayo. Bulshada caasimadda ku dhaqan qofkii ka qayb qaadanaya horumarka, biyo xireenka magaalada iyo badbaadinta bulshada waan soo dhaweynaynaa, qof kastana waxaa la rabaa in agagaarka gurigiisa uu nidaamiyo.”

Hay’adda SODMA ayaa Sabtidii ku celisay in ay jirto cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan dalka uu wajaho dabeylo iyo roobab mahiigaan ah, oo sababi kara fatahaado iyo daadad.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa si weyn uga digaya isbedel cimileed oo khatartiisu baahi karto, oo ay ka mid tahay duufaanta El Niño.

Digniinaha ayaa muujinaya in khatarta ugu badan ay wajihi karaan dadka ku nool xeebaha iyo dhulka ay webiyadu maraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc