Home Wararka Maanta Booliska oo soo bandhigay rag dareyska ciidamada dhac kaga gaysanayay Muqdisho

Booliska oo soo bandhigay rag dareyska ciidamada dhac kaga gaysanayay Muqdisho

by Laacib

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay 5 nin, oo ku eedeysan inay falal burcadnimo ka gaysanayeen Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Booliska Qaybta Galbeed ayaa shalay laba ka mid raggan ka soo qabtay Degmada Dayniile, kuwaa oo xilligii gacanta lagu soo dhigay dhac u gaysanayay dadka ku dhaqan degmadaasi.

“Eedeysaneyaasha waxay wateen qori faal ah, labadooduba midna waa Xoogga Dalka, midna waa shacab, waxaana la horgayn doonnaa caddaaladda.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliska.

Saddexda nin ee kale ayay maanta Ciidanka Booliska Qaybta Weliyow Cadde ka soo qabteen Degmada Howlwadaag, gaar ahaan dhabarka dambe ee guriga Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in mid ka mida raggan uu ahaa darawal mooto bajaaj, labada kalena ay ku labisnaayeen tuutaha Ciidanka Militariga.

“Burcaddan oo ku labisnaa dareyska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku eedeysan inay dhac ka gaysanayeen Degmada Howlwadaag, dhabarka dambe ee guriga Xildhibaan Jacfar, waxaana goobta ka baxsaday nin la socday burcadda, isla-markaana ku labisnaa dhar shacab ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in eedeysaneyaasha ay wajihi doonaan sharciga, kolka baaritaanka socda la soo geba-gabeeyo.

“Eedeysaneyaasha ayaa wajihi doona sharciga, marka baaristooda la soo afjaro, hadduu Alle idmo.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Ciidanka Xasillinta Muqdisho ayaa magaalada ka wada hawlgal saddex weji leh, oo lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab, kooxaha ciyaal weerada/burcadda iyo dadka ka ganacsada muqaadaraadka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc