Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo dilay la hayste lagu hayay Gaza

Ciidamada Israel oo dilay la hayste lagu hayay Gaza

by Laacib

Xoogaga wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay Sabtidii duqayn ku dileen askari maxbuus ahaa oo lagu hayay Marinka Gaza.

Askarigan ayaa la sheegay in lagu dilay duqayn xagga cirka ah, ka gadaal markii Ciidamada Israel ay ku guuldareysteen in ay xoog ku soo furtaan.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Falastiin (PFLP), Abu Jamal ayaa sheegay in weerarka uu dhacay, ka dib isku day fashilmay oo Ciidanka Kumaandooska Israel ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan askariga.

“Wuxuu ahaa isku day fashilmay oo lagu doonayay in lagu soo furto askariga ka tirsan Sahyuuniyadda, oo u xirnaa Guutooyinka Shuhadada Abu Ali Mustafa.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Iska caabinta ayaa fashilisay isku daygii ahaa in lagu soo furto askariga, waxaana khasaare la gaarsiiyay askartii Sahyuuniyadda, oo markii dambe duqayn ku dilay askarigii xirnaa.”

Afhayeenka ayaa cod uu soo duubay ku sheegay in Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ay ka masuul tahay geerida askarigaasi.

Afhayeenku wax tafaasiil ah kama bixin halka lagu hayay maxbuuska, xilligii uu weerarku dhacayay, marka laga soo taggo in lagu dilay duqayn dhinaca cirka oo ka dhacday Gaza.

Jabhadda ayaa soo bandhigtay meydka ninka askariga, oo ay soo dhigeen barraha bulshada.

Taliska Militariga Israel ayaan weli ka hadlin warka sheegaya in ciidamadooda ay duqayn ku dileen mid ka mid ah la haysteyaasha.

Jabhadda Xoreynta Falastiin ayaa ka hawlgasha dhulka Falastiiniyiinta, sida Daanta Galbeed, Marinka Gaza iyo Bariga Qudus.

Jabhadda PFLP ayaa diiday in ay hubkeeda iyo shaqaalaheeda ku wareejiso Maamulka Falastiiniyiinta, ka dib heshiisyadii sanadkii 2007-dii iyo ka bixitaankii Israel ee Gaza.

PFLP oo xoogageeda ay kumanaan gaarayaan ayaa taageero militari ka hesha Dowladda Iran. Jabhadda ayaa October 7-deedii ka qayb qaadatay weerarkii ballaarnaa ee ay Xamaas ku qaadday dhulka ay Israel maamusho.

Ugu yaraan 129 ka mid ah 240 maxbuus oo lagu soo qafaashay weerarkii 7-dii October ayaa weli lagu haystaa Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc